Jürgen Klopp oo difaacay Florian Wirtz, balse qaab ciyaareedkiisa Germany ayaa dood kale dhaliyay

0

Tababaraha xulka Germany Jürgen Klopp ayaa si adag u difaacay xiddiga Liverpool ee Florian Wirtz, isagoo sheegay in duruufihii uu ciyaaryahanku ku biiray kooxda ay ahaayeen kuwo aad u adag, Wirtz ayaa Liverpool ugu biiray xagaagii 2025 lacag lagu sheegay £116 milyan, waxaana laga filayay inuu noqdo mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Si kastaba, xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ayaan u noqon sidii la filayay. Wirtz ayaa Liverpool u dhaliyay 7 gool, halka xilli ciyaareedkan 2026/27 uu weli yahay mid aan gool dhalin, Klopp oo doonaya inuu Wirtz ka caawiyo xulka Germany ayaa sheegay in waqtigii uu Liverpool ku biiray uu ahaa mid aan wanaagsanayn, gaar ahaan kadib geeridii naxdinta lahayd ee Diogo Jota iyo walaalkiis André Silva, “Markaad eegto xaaladda oo dhan, waxaad ogaanaysaa in Florian uu Liverpool ku biiray xilli aad u adag oo la xiriiray geeridii Diogo Jota,” ayuu yiri Klopp.

Advertisment

Wuxuu intaas ku daray in Wirtz uu ku biiray koox ay ciyaartoydeedu xilligaas ku jireen xaalad murugo ah, taas oo uu sheegay inay ahayd wax la fahmi karo.

Klopp ayaa sidoo kale sheegay inuu arko horumar uu Wirtz sameynayo xilli ciyaareedkan, inkastoo Liverpool ay tababare cusub yeelatay, waxaana Andoni Iraola uu beddelay Arne Slot, “Wirtz wax badan ayuu ka bartay sannadkiisii ugu horreeyay. Hadda waxaa jira xilli ciyaareed cusub iyo tababare cusub. Jir ahaan wuxuu joogaa heer aad u wanaagsan, kooxduna waxay bilowday inay mar kale hesho isku xirnaanteedii,” ayuu yiri Klopp.

Si kastaba, tirooyinka Wirtz ayaa weli cadaadis saaraya ciyaaryahanka. Wuxuu xilli ciyaareedkan sameeyay 6 kulan, isagoo leh hal caawin iyo eber gool, Difaaca Klopp ayaa yimid xilli halyeeyga Liverpool Jamie Carragher uu si adag uga hadlay qaab ciyaareedka Wirtz.

Carragher ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay Wirtz, isagoo tilmaamay in dhibaatadu aysan ahayn oo keliya “qaab ciyaareed xumo”, balse ay suuragal tahay in waxa hadda laga arkayo ay yihiin heerka uu ciyaaryahanku dhab ahaan ku sugan yahay, Dhanka kale, Wirtz wuxuu fursad kale ka helay xulka Germany, balse kulankii Greece ayuu ciyaaray 25 daqiiqo, mana uusan sameyn wax fursad ah, halka hal kubbad oo uu tuurayna aysan bartilmaameedka gaarin.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here