Lamine Yamal ayaa taariikh cusub sameeyay kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya England kulan aan ahayn ciyaar saaxiibtinimo.
Yamal ayaa goolka dhaliyay kulankii Nations League ee Spain iyo England, isagoo markaas jira 19 sano iyo 75 maalmood.
Sida uu sheegay MisterChip, xidiga Barcelona ayaa sidaas ku jebiyay rikoor muddo 30 sano ah taagnaa, Rikoor kii hore waxaa haystay halyeeygii reer Netherlands iyo Barcelona, Patrick Kluivert, kaasoo England gool ka dhaliyay isagoo 19 sano iyo 353 maalmood jir ah.
Kluivert ayaa rikoor kaas dhigay kulankii Euro 1996, balse Yamal ayaa hadda noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee England gool ka dhaliya Wembley kulan rasmi ah.

