1) Xukunka dambiga lagu helay
Tani waa arrinta weyn Ee aan weli jawaabteeda la hubin marka laga hadlayo qaab ciyaareedka Manchester City, kuwaas oo toddobadii kulan Ee ugu dambeeyay badiyay hal kulan oo keliya, marka laga reebo guushii rigoorayaasha ay kaga gaareen Brighton tartanka Carabao Cup.
Kaddib markii xukunno dambi lagu helay oo la xiriira jebinta xeerarka dhaqaalaha Premier League la soo saaray, kooxda Enzo Maresca ayaa tagtay Anfield, halkaas oo ay Liverpool ku garaacday 3-0, isla markaana cashar kubadeed u dhigtay. Balse guushaasi waxay noqotay mid aan wax badan ka tarin xaaladda kooxda, iyadoo laga yaabo in kooxda uu dhisayo Andoni Iraola ay xilligaas ku jirtay waqti adag.
Tan iyo markaas, City waxay 10 kulan gudahood ku guuleysatay hal kulan oo keliya oo horyaalka ah (3-2 oo ay kaga badisay Ipswich, lix maalmood kaddib), waxayna sidoo kale labo guul oo kale ka gaartay kulamada caadiga ah Ee Champions League. Isku xigxigaas waxaa ku jira hal dhibic oo keliya afartii kulan Ee ugu dambeysay Ee horyaalka.
Maresca ayaa ku doodaya in mashruuca uu isagu dhisayo uu isaguna yahay mid bilow ah, sidaas darteedna qaab ciyaareedka kooxdu uu mararka qaar isbeddeli doono. “Anigu ma ihi sixiroole, oo Hal Mar systemka saxaayo kadinba Guulo xiriira ah gaarayo” ayuu sheegay Jimcihii.
Balse sidoo kale waa macquul in la is weydiiyo haddii, kaddib dhiirrigelintii iyo xamaasaddii ay abuurtay fikirka ah inay dunida inteeda kale ka soo horjeedaan, taasoo City ku hoggaamisay guulihii Liverpool iyo Ipswich, xaqiiqada adag Ee ku saabsan waxa xukunka dambigu uga dhigan karo mustaqbalka xirfadaha ciyaartoyda ay saameyn ku yeelatay.
City ayaa racfaan ka qaadatay xukunka, iyadoo sheegtay inay “waxba galabsan tahay eedeymaha loo soo jeediyay”.
2) Afarta daafac Ee aan shaqeyn iyo maqnaanshaha Nico O’Reilly:
Xilli ciyaareedka Nico O’Reilly oo hakad iyo soo laabasho isugu jiray (afar kulan ayuu seegay, saddex kulan oo kalena wuxuu beddel ku soo galay waqti aad u kooban) ayaa saameyn taban oo muuqata ku yeeshay mashruuca Maresca, sababtoo ah waa daafac awood jireed leh, lehna xawaare, xeelad iyo awood uu gudaha ugu soo dhaqaaqo si uu u kala furfuro difaacyada kooxaha kale (markii uu yaraa wuxuu ahaa ciyaaryahan booska No.10 ka ciyaara), sidoo kalena leh awood uu goolal ku dhalin karo.
City ayaa qeybtii hore Ee ciyaarta laga dhaliyay labo gool iyadoo uusan O’Reilly garoonka ku jirin, kulankii ay 3-1 kaga badisay Nottingham Forest, ka hor inta uusan ciyaarta soo gelin.
Difaaca kooxda guud ahaan waa mid nugul, iyadoo xawaaraha yar Ee Rúben Dias iyo bandhigyada aan joogtada ahayn ee Marc Guéhi ay yihiin sababaha ugu waaweyn Ee walaaca laga qabo goolasha badan Ee kooxda laga dhalinayo.
Manchester City ayaa ayaa kaalinta saddexaad Ee kooxaha ugu badan Ee isbeddelka ku sameeya shaxdooda kasoo gashay sida ay Opta diiwan gelisay
Celceliska tirada isbeddellada lagu sameeyo shaxda koowaad marka loo eego kulankii hore Ee Premier League, 2026-27:
Sawirka xogta Ee The Guardian.
Isha: Opta.
Fiiro gaar ah: Waxaa la muujiyay 10-ka kooxood ee ugu sarreeya marka laga hadlayo isbeddellada shaxda.
3) Dhibaatada Kale Ee Heysta Man City waa Goolhayaha:
Gianluigi Donnarumma isaguna ma uusan noqon mid la isku halleyn karo, iyadoo qaladaadkii uu ka sameeyay kulamadii Leipzig, Aston Villa iyo Paris Saint-Germain ay sababeen goolal laga dhaliyay kooxdiisa iyo dhibco ay lumisay.
Goolhayuhu waxaa laga yaabaa inuu sidoo kale dareemayo inuu joojin karay goolkii furitaanka Ee Rasmus Højlund kulankii Talaadadii ay 2-2 ula galeen Napoli.
“Ma ka walwalsani bandhigga ama qaab ciyaareedka Gigio, inkastoo aan ogahay inuu sameeyay qaladaad,” ayuu yiri Maresca, kaasoo aan heysan goolhaye kale oo si dhab ah ula tartami kara booska koowaad, kaddib markii James Trafford laga iibiyay Leeds suuqa kala iibsiga Ee ugu dambeeyay.
Arrintani waxay muujineysaa walaac ka weyn oo la xiriira sida kooxda loo dhisay, taasoo laga yaabo inaysan dhici lahayn haddii Txiki Begiristain uu weli ahaan lahaa agaasimaha kubadda cagta ee City. Beddelkiisa, Hugo Viana, ayaan suuqa kala iibsiga ka muujin karti iyo xeelad la mid ah tii isaga ka horreysay.
4) Dhibaatada kale Ee City Heysta waa Hugo Viana ma yahay agaasime kubadeed oo heerka ugu sarreeya ah?
Agaasimaha kooxda Manchester City Hugo Viana Ninka reer Portugal ah, oo Begiristain kala soo shaqeeyay laga bilaabo Abriil 2025 ka hor inta uusan xilka la wareegin xagaagaas, waxaa uu sameeyay 18 saxiix inta uu kooxda Manchester City agaasime u ahaa.
Suaasha taagan oo ka mid ah dhibaatooyinka Heysta kooxda Manchester City ayaa ka mid ah saxiixyadio ay sameeyeen ma yihiin kuwo Guuleystay.?
Hugo Viana inta uu agaasimaha Man City u ahaa waxaa uu sameeye Heshiisyadan..isagoo Booska 3aad kaga soo galiye kala sareynta lacagihii ay kooxaha ku qarash gareeyeen suuqa.

Sawirka xogta: The Guardian.
Fiiro gaar ah: Xogta suuqa kala iibsiga waxay ka bilaabaneysaa xagaagii 2025.
Iyadoo aan weli lagu darin lacagaha dheeraadka ah ee heshiisyada, kharashka guud wuxuu durba ka badan yahay £700 milyan oo aad u badan. Hase yeeshee, ilaa hadda, Anderson, Cherki iyo Ndiaye oo keliya ayaa loo aqoonsan karaa saxiixyo si buuxda u guuleystay.
Qaab ciyaareedka Guéhi, Semenyo iyo Fernández ayaa hoos u dhacay, halka Bouaddi uu muujiyay rajo wanaagsan. Taas macnaheedu waa in 10 ciyaaryahan ay kooxda ka tageen, niyad-jab muujiyeen ama weli u baahan yihiin inay caddeeyaan awooddooda, marka lagu daro goolhayaha kaydka ah.
5) Khadka dhexe kooxda oo aan degganeyn:
Qeybta dhexe Ee Maresca waxaa ku jira Anderson, oo ah ciyaaryahan wanaagsan balse aan ahayn Rodri (yaa noqon kara?), iyo Fernández, kaasoo aan ahayn ciyaaryahan No.8 ah, balse u badan inuu yahay ciyaaryahan u dhow booska No.10, inkastoo uusan booskaas ku lahayn Magic-ga Cherki.
Doorka Enzo Fernández wuxuu la mid yahay inuu yahay ciyaaryahanka garoonka dhexdiisa uga fuliya Maresca amarrada iyo hawlaha adag, maadaama tababaraha reer Talyaani uu kala soo saxiixday Chelsea kaddib markii ay halkaas wada joogeen.
Bouaddi, oo ah ciyaaryahanka kale ee ugu muhiimsan khadka dhexe, ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan, balse waa 19 jir, sidaas darteed weli waa xilli hore oo xirfaddiisa ciyaareed ah.
O’Reilly oo ah dookh kale oo lagu ciyaarsiin karo khadka dhexe iyo Mateo Kovacic oo u muuqda inuu door yar ku leeyahay kooxda, ayaa ka dhigan in dookhyada City aysan aad u badneyn.
“Waxaan isku dayeynaa xalal kala duwan,” ayuu yiri Maresca.
“Ciyaartii ugu dambeysay ee aan la ciyaarnay Napoli, waxaan ku soo bilownay Enzo, Ayyoub iyo Elliot. Waxay ahaayeen kuwo si wanaagsan u ciyaaray, gaar ahaan marka aan kubadda heysan. Shaki kuma jiro inaan heli doonno isku dheelitirka saxda ah.”
6) Su’aasha ku saabsan Haaland
Xiddiga kooxda udub-dhexaadka u ah, ahna gooldhaliyaha aan dheregsaneyn, ma faraxsan yahay?
Xaqiiqdii, wuxuu u muuqday mid niyad-jabsan kaddib kulankii Napoli, waxaana sidoo kale lagu arkay isagoo si caro leh gacmaha u taagaya inta ay ciyaaruhu socdaan.
Maresca ayaa yiri:
“Erling waa ciyaaryahan guuleysta. Waa wax iska caadi ah inuusan faraxsaneyn marka uusan guuleysan kulamada, balse ha iloobin in dhowr toddobaad ka hor uu garoonka dhexdiisa ku ciyaarayay oo faraxsanaa [kaddib guushii Carabao Cup ee ay ka gaareen Brighton]. Erling wuu xanaaqsan yahay, sida aan aniguba u xanaaqsanahay.”
Si kastaba ha ahaatee, su’aasha dhabta ahi waxay ku saabsan tahay mustaqbalka Haaland iyo haddii xiddiga reer Norway uu ka fikiri karo inuu mustaqbalkiisa meel kale ka sii wato, isagoo City ka tagaya.
Haaland ayaa bishii Janaayo 2025 saxiixay heshiis 10 sano ah, balse heshiiskaasi waxba kama tari doono haddii uu isagu doonayo inuu kooxda ka tago.
Haddii racfaanka City la diido oo kooxda loo dhaadhiciyo heer kale oo horyaalka ah (ama wax ka sii daran), Haaland iyo ciyaartoy kale ayaa hubaal ahaan ka tagi doona kooxda.
7) Enzo Maresca – iyo xeeladihiisa ciyaareed
Dhammaan arrimaha kor lagu soo sheegay waxaa laga doonayaa in Maresca uu xalliyo ama meesha ka saaro.
Inuu go’aansado 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiican, isla markaana wax ka qabto qorshihiisa xeeladeed ee ay ka muuqato gaabis badan, inkastoo mararka qaar ay jirto weerar toos ah oo degdeg ah, ayaa wax weyn ka tari karta xaaladda kooxda.
Tusaale ahaan, goolkii guusha ee Haaland uu bishii Sebtembar ka dhaliyay Coventry wuxuu ku yimid baas degdeg ah oo Fernández u dhiibay Semenyo, kaasoo kubbad karoos ah soo dhigay, laguna dhaliyay goolka.
Jimcihii, markii Maresca la weydiiyay inuu beddeli karo qaab ciyaareedkiisa, wuxuu si toos ah ugu jawaabay “maya”.
Wuxuu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sababta bandhigyada kooxdu u liitaan:
“Way fududahay in la fahmo, sababtoo ah afar bilood oo keliya ayaan wada joognaa. Isbeddelku wuxuu u baahan yahay waqti.
“Malaha sababtoo ah waxaan ku guuleysannay siddeed kulan oo xiriir ah [bilowgii xilli ciyaareedka], ayay dadku u maleeyeen inaanan u baahneyn waqti aan isku beddelno, balse anigu ma ihi sixiroole.”
“Waxaan heysannaa siddeed ama sagaal ciyaaryahan oo cusub, tababaruhuna waa cusub yahay. Waxaad u baahan tahay waqti.”
“Ma jiro wax argagax ah haba yaraatee. Waan fahamsanahay inaan u baahanahay inaan kulamada badinno, sababtoo ah kubadda cagtu waa ganacsi.”

