Sheekada Qiyaanadii Qarniga & laacibkii Barcelona ee dhabarka ka toogtay, Dheymankii La Massia

0
Xavi Simons Shaki la’aan waad xasuusataan qaabkii hadal heynta u dhaliyey uwareegistii bilaashka aheyd ee San german, kadib marki uu dhacay heshiiskiisii barcelona waqtigasi heshiiska waxa lagu sifeeyey Paris iney xaday Mustaqbalka kadib markii hore ay u xadeen  kan xaadirkoodii Neymar JR, 3 sano ayaa laga joogaa wareegistiisii wadcigiisii hada kama zuulin inuu wareegayo booskiisii iyadoo gabo gabo uu yahay heshiiskiisa Paris sant german bal wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan inuu ka shalaynayo katagitaankiisii Barcelona isla markaana uu dalbanayo soo laabasho maxey tahay xaqiiqada arinkaasi,
Holandeeska Xavi simo waxa uu ku biiray academiyadda Lamasia 2010 isagoo jira 7sano deg deg ayuku muujiyey mowhibadiisa, waxa uu ahaa xidiga ugu mowhibada fiican dhamaan heerarkii uula soo ciyaaray dadka qaar waxa ayku sifeeyeen iniestaha cusub kuwa kalena waxa ay ugu yeereen dhaxal sugihii Xavi harnandez,
dadkoo dhan waxa ay u arkayeenn jowharad kasoo baxday warshada barcelona lkn markii lasoo gaaray xili ciyaareedkii 2019 waa ay dhamaatay riyadaasiZimons na waxa uu doortay inuu kabaxo camp Nou  bixitaan & inuusan cusbooneysiin heshiiska , halka uu qabanayey waxa ay aheyd Parissant Germann, taasoo waxbadan u sameysay sidii ay uqancin laheyd kusoo biirista safkeeda , qorshuhu waxa uu ahaa inuu uciyaaro da’yarada naadiga iyadoo lasiinayo fursad uukaga soo muuqanayo safka 1aad waqtiga ugu dhow si uxirto booskiisa lkn taasi ma dhicin intabadan waxa uu ka qeyb galayey kulamada kooxda da’yarada gaar ahaan koobka champions league .
Xili ciyaareedkan waxa uu dhaliyey tiro goolal ah isagoo caawiyey kuwo kale bandhigaasi quruxda badan ee Simons mukuqancin Maurico Pochattiino  inuu fursad joogto ugu ciyaarsiiyo, gaar ahaan waxaan kahadleynaa shax ku hubeysan xidigo booska Simons waxa ka ciyaara Verrati, Wijnalduim Giye Ander herreira , Danielo Preiera & Preders  xitaa hadii weerarka boos looga raadin lahaa waxa ciyaaraya Messi, Dimaria Draxler Mbappe & neymar.
Dhamaadkii xidigan dadayar waxa uu ku dhawaad 7 kulan lasoo muuqday tan ntii uukusoo biiray qaar kamid ah waa xili ciyaareedkan oo uu kujiray koobka faransiiska oo uu sabab unoqday in kooxdiisa kaharto tartanka kadib markii uu lumiyey rigooradii ugu dambeysya ee PSG,
Xaaladdan marna ma aysan cajabin wiilkan 18 jirka ah kaasoo heshiskiisa dhacayo xili ciyaareedkan, hubaal waxa maskaxdiisa ka guuxaya waa waxa ka dhacaya gurigiisii hore barcelona Tan & xili ciyaareedkan, Waxa fursad helay mawaahiib badan oo doorkooda sare loo qaaday, Sida Fati, Pedri, Azalzouli, Cozalez, bal waa kan ugu yar waxaan ka hadleynaa Gavi , waana waa waxa gudaha maskaxdiisa ka guuxiyey arin uun shalaay ah, waana wixii ay cadeysay shabakadda Tutto Sport oo sheegtay in laacibka dadka udhow uu ucabiray sida uu uga shalaaynayo katagitaankiisii Barcelona & uwareegista Paris Sant German.
Arinta cajiibka aheyd waxa ay aheyd mowqifka naadiga Faransiiska waayadan dambe hadii ay udagaalameen simons Dartii waqti hada laga joogo 3 sano maxeysan ucusbooneynin heshiiskiisa ilaa hada dariiqad & mid kale si ay uxafitaan laacibka , lkn waqtigan waxa uu xor u yahay inuu la heshiiyo kooxda uu doono , Su’aasha waxa ay tahay Muyuu ahaa kaliya rasaas ay u isticmaaleen Sumeynta & waxyeleynta Barcelona, mise laga gaaray waqtigii taariikhdiisa dhacday? .
Wararka ka imaanaya Fransiiska mataageerayaan xogaha sidaasi ah, bal waxa ay ka hadlayaan iney naadiga dooneyso iney siiso heshiis cusub, lkn diyaar uma aha iney ka jawaabto dalabaadka kan dambe waana inuu damaanad u helo uciyaarista kooxda 1aad lagu daray in wax laga badalo heshiiskisia & in wakiilkiisa Rayola iney siiyaan comison mucayan ah.
Geesta kale iyadoo halka aykasocoto akhbaarta cusbooneysiinta & shalaaytada xavi simons waxa ay cadeysay idaacada Cadena ser ee Gobolka Catalonia laaciba inu bilaabay kufekerida bilaash inuu ku baxo dhamaadka xili ciyaareedka , wakiilkiisa waxa uu raadiyaa koox uu geeyo , maxaa diidaya Barcelona ,  si uu ula hadlo doorkiisa reola Juan Laporta oo uu miiska usaaro Magaca Xavi Simons
inkastoo kan dambe uusan kujirin qorshaha barcelona lkn laporta waa uu jecleystay fikrada gaar ahaan waxa uu kamid yahay kuwii ka aflaxay academiyadda lamassia.  lagu daray heshiiska ayaa noqon doona si bilaasha ah sidookale aad bu ujeclaan lahaa kasoo celinta Paris Sant Germann lagayaabee iney noqoto Bilaabashadii aargudashada Paris Sant Germann, waqti cilaaqadooda aad ay uxuntahay labada naadi,
Xavi Hernandez Ma diidin keenitaanka Xavi Simons lkn labadooda waxa ay ku heshiiyeen in dib loo dhigo inta galkan uu siweyn ukala cadaanayo, & jihada suuqa kala iisbsiga  naadiga & Mushkilada mushahaaradka laacibiinta, laga yaabe umuurta halkeeda iney taagnaanin maxayeelay PSG ayaa ku fekereysa iney aqbasho dalabaadka laacibkan kadibna amaah ugu dirto koox kale , lkn go’aanka ugu dambeeya waxaa leh Xavi Simons
Advertisment

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here