Kompany Oo Diiday In laacibka Bayern Uu Ku Biiro Barcelona

0

Tababaraha Bayern Munich, Vincent Kompany, ayaa ka horyimid suurtagalnimada inuu daafaca dhexe Jonathan Tah ka tago kooxda, xilli Barcelona ay doonayso inay la soo saxiixato ciyaaryahanka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka.

Kooxda Barcelona ayaa xiisaynaysa saxiixa Jonathan Tah, kaasoo ay u aragto inuu wax weyn ka tari karo xoojinta daafaceeda dhexe.

Advertisment

Warbixinta uu qoray wargeyska Kooxda.com ayaa Ogaaday in Barcelona ay muddo danaynaysay daafacan Jarmalka ah, iyadoo xiisaheeda uu soo bilowday xilligii uu u ciyaarayay Bayer Leverkusen, ka hor inta uusan Bayern Munich ugu biirin si xor ah sannadkii 2025.

Si kastaba ha ahaatee, Vincent Kompany ayaa doonaya inuu ciyaaryahanka ku sii haysto Allianz Arena, maadaama uu aaminsan yahay in Tah uu door muhiim ah ku leeyahay qorshihiisa iyo mashruuca uu ka dhisayo Bayern Munich.

Sida uu weriyey wariyaha Sky Sports, Fabrizio Romano, Kompany ma doonayo inuu oggolaado bixitaanka daafacan, taasoo ka dhigaysa mid adag in Barcelona ay hesho saxiixiisa bisha Janaayo.

Dhanka kale, Bayern Munich ayaa xilligan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Bundesliga, iyadoo leh 22 dhibcood, waxaana laba dhibcood ka horreeya Borussia Dortmund oo hoggaanka haysa.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here