‎Jamie Carragher oo hadal culus ka sheegay kiiska Man City, isagoo saadaliye kooxda uu Haaland ku biiri doono

0

Halyeeyada Kooxaha Man United iyo Liverpool Ee Jamie Carragher iyo Gary Neville ayaa saadaaliyay kooxda uu Erling Haaland u wareegi doono marka uu ka tago Manchester City, kaddib xukunkii lagu helay City Ee la xiriiray jebinta shuruucda FFP (Financial Fair Premier League)

‎Haaland ayaa ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn Ee kooxda Manchester City Ee laga yaabo inay kooxda ka tagaan bilaha soo socda, kaddib markii lagu helay dambiga la xiriira FFP.

Advertisment

‎Daruur madow oo weyn ayaa dul hoganaysa Manchester City, kaddib markii lagu helay inay ku xadgudubtay 114 ka mid ah 115-kii eedeymood ee loo soo jeediyay, kuwaas oo la xiriiray jebinta xeerarka maaliyadeed Ee Premier League (FFP).

‎Manchester City ayaa racfaan ka qaadatay go’aankaas, balse ciqaabaha suurtagalka ah Ee ay wajihi karto waxaa ka mid ah ganaax lacageed oo aad u weyn, mamnuucid suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, dhibco laga jaro, heerka koowaad oo laga saaro iyo/ama lagala noqdo koobabkeedii Premier League.

‎Ciqaabta ugu badan Ee la soo sheegayo inay City wajihi karto ayaa ah in dhibco badan laga jaro, taas oo keeni karta in si toos ah loogu celiyo heerka labaad Ee Championshipka, arrintaasina waxay horseedi kartaa in ciyaartoy badan ay kooxda ka tagaan.

‎Xiddiga Reer Norwich Ee Erling Haaland ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii caadiga ahaa Ee lagu yaqaanay, waxaana Neville uu aaminsan yahay inuu “si buuxda u hubsan yahay” in Haaland uu ka tagi doono Manchester City kuna biiri doono kooxda Real Madrid.

‎Halyeeyga Man United Gary Neville ayaa barnaamijka The Overlap ka sheegay:

‎“Waxaan si buuxda u hubaa in Erling Haaland uu noqon doono ciyaaryahan Real Madrid ah muddo aan ka badnayn 18 bilood Ee soo socota, laga yaabee dhammaadka xilli ciyaareedkan.”

‎‎“Waxaan u maleynayaa in Vinicius uu ka tagi doono Real Madrid, Mbappe uu u wareegi doono garabka bidix (LW), Haaland-na uu noqon doono weeraryahanka dhexe Ee Real Madrid.”

‎‎Dhanka kale, Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan in dhammaan taageerayaasha kubadda cagta ay tahay inay ku raaxaystaan daawashada Haaland inta uu weli England joogo, sababtoo ah haddii Manchester City la siiyo ciqaab u dhiganta dambiga lagu helay, aysan awoodi doonin inay sii haysato xiddigga ugu weyn Ee weerarka Premier League.

‎Carragher ayaa wargeyska The Telegraph u sheegay:

‎“Si macquul ah, Haaland wuxuu kala fogaansho ka dhex sameeyay naftiisa iyo dadkii mas’uulka ka ahaa in Manchester City ay xaaladdan gasho. Si kasta oo arrintan loo soo bandhigo, waxay muujinaysaa in si weyn looga fikiray xaaladaha culus Ee jira iyo sida taariikhdu u xusi karto sannadihii ugu dambeeyay, sida aad filan lahayd.”

‎‎“Si kasta oo ay u xooggan yihiin diidmooyinka ama ku adkeysiga ah in racfaanku weli socdo, waa dabeecadda bini’aadamka in ciyaartoydu ay ka fikiri doonaan dhammaan fursadaha jira. Waxay si fagaare ah uga hadli doonaan kalsoonida ay ku qabaan kooxda, balse si gaar ah ayay uga fikiri doonaan waxa xiga Ee dhici kara iyo waxa ay taasi uga dhigan tahay mustaqbalkooda ciyaareed.”

‎“Qofna ma doonayo inuu ku jiro xaalad uu si joogto ah uga hadlayo waxyaabo aan weli dhicin, balse muddadan mugdiga ah Ee la soo bilaabatay markii lagu dhawaaqay go’aanka dambiga lagu helay, ma jirto doorasho kale. Su’aasha ah ‘maxaa dhici kara haddii…’ ayaa noqotay su’aasha ugu muhiimsan kubadda cagta England, iyadoo xaalad kasta oo suuragal ah ay ku xiran tahay in racfaanka Manchester City guuleysto ama uu fashilmo. Arrintaasina way sii socon doontaa ilaa xal laga gaaro”.

‎Carragher ayaa sii raaciye:

‎‎“Ciyaartoyda, waddooyinka kale Ee ay mari karaan waa kuwo dhab ah, mana iska indho tiri karaan, sababtoo ah waxay u baahan yihiin inay ka fikiraan mustaqbalkooda ciyaareed.”

‎‎“Haaland, si la mid ah Bellingham, wuxuu awood u yeeshay inuu si qorsheysan u maareeyo kooxihii uu u wareegayay. Hibadiisu aad ayay u weyn tahay, sidaas darteed tallaabo kasta oo uu qaaday waxay ku timid waqtigii ku habboonaa, isagoo ka soo bilaabay Molde, una gudbay RB Salzburg, kadib Borussia Dortmund, ugu dambeyntiina Etihad.”

‎Jamie Carragher oo saadaaliyay kooxda uu Erling Haaland ku dambayn doono:

‎Sida Neville oo kale, Carragher ayaa sidoo kale aaminsan in Haaland uu u wareegi doono Spain marka uu ka tago kooxda Manchester City, isagoo sheegay in mid ka mid ah kooxaha waaweyn Ee Spain ay noqon doonto halka uu ku dambayn doono.

‎Carragher ayaa hadalkiisa sii watay isagoo yiri:

‎“Wax kasta oo ka socda meel ka baxsan garoonka xilli ciyaareedkan, anigoo ixtiraam weyn u haya Manchester City, mar walba waxaan dareemayay in mid ka mid ah labada kooxood Ee waaweyn Ee Spain ay noqon doonto halka ugu dambeysa Ee Haaland ku dambayn doono.”

‎‎“Waa inay sugayaan ciqaabta ay guddiga madaxa-bannaan ku soo rogi doonaan iyagoo matalaya Premier League, iyagoo aaminsan in go’aankaasi uu si weyn u go’aamin doono mustaqbalka Haaland.”

‎‎“Haddii Manchester City la siiyo ciqaab u dhiganta dambiga lagu helay, lama filan karo in Haaland uu afarta ama shanta sano Ee ugu fiicnayd xirfaddiisa ciyaareed ku qaato koox aan u tartamayn koobabka.”

‎‎“Haaland wuxuu u ciyaari karaa Barcelona, halkaas oo xulashooyinka weeraryahanka dhexe ay ku kooban yihiin Raphinha iyo Gabriel Jesus.

‎‎“Wuxuu sidoo kale u ciyaari karaa Real Madrid, inkastoo loo baahan doono in xeelad ahaan wax laga beddelo si isaga iyo Kylian Mbappe ay ugu wada ciyaari karaan shaxda koowaad.”

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here