Tababaraha kooxda Real Madrid, Jose Mourinho oo si adag ………..

0

Tababaraha kooxda Real Madrid, Jose Mourinho, ayaa xiddiga reer England ee Jude Bellingham ku tilmaamay ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican adduunka. Mourinho wuxuu hadalkan sheegay ka dib markii Real Madrid ay 5-1 kaga badisay kooxda PSV kulan ka tirsanaa Champions League, kaas oo Bellingham uu gool dhaliyay.

Tababarahan reer Portugal wuxuu sheegay in Bellingham uu yahay ciyaaryahan cajiib ah oo ka ciyaari kara boosas badan. “Wuxuu beddelay jihada ciyaarta. Aniga ahaan, shaki la’aan waa ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican adduunka. Intaas waxaa dheer, wuxuu ka ciyaari karaa lambarka 10-aad iyo lambarka 8-aadba, iyadoo hal burburiye ama laba ay la ciyaarayaan,” ayuu yiri Mourinho.

Advertisment

Wuxuu intaas ku daray: “Taasi waa sababta aan u iri, markii laga hadlayay abaalmarinta Ballon d’Or, in ay wax laga xumaado ahayd inuusan ku jirin tobanka ugu sarreeya. Waa ciyaaryahan aad u cajiib ah.”

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here