Manchester United ayaa liiskeeda ciyaartoyda ay doonayso ku dartay daafac dhexe oo khibrad leh

0

Manchester United ayaa liiskeeda ciyaartoyda ay doonayso ku dartay daafac dhexe oo khibrad leh, ka hor inta uusan suuqa bisha Janaayo furmin. Ka dib guuldarradii 4-0 ahayd ee Axaddii ka soo gaartay Liverpool, tababare Mauricio Pochettino wuxuu dhaxlay daafaca ugu liita shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.

Inkastoo Pochettino uu doonayo weeraryahan buuxiya booska Benjamin Sesko oo dhaawacan, adkaynta daafaca ayaa iyaduna ah mudnaan weyn. Toddobaadkii hore waxaa lala xiriirinayay daafaca Fulham ee Calvin Bassey, balse wuxuu ku dhow yahay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Advertisment

Sida ay warinayso talkSPORT, United waxay hadda u jeesatay daafaca Brentford ee Nathan Collins. Kooxdu waxay sidoo kale xiisaynaysaa Jarrad Branthwaite oo u ciyaara Everton, laakiin qiimihiisu wuu ku badnaan karaa maadaama miisaaniyadda United ee suuqa lagu sheegay £50 milyan oo keliya. Collins oo 25 jir ah wuxuu Brentford kula jiraa qandaraas gaaraya xagaaga 2029, isaguna wuxuu ku kici doonaa lacag badan.

Dhanka kale, kabtannadii hore ee United, Roy Keane iyo Gary Neville, ayaa ka walaacsan in dhibaatada kooxdu aysan daafacyo cusub oo keliya ku xallismayn. Keane wuxuu sheegay in daafacyada United aysan helin caawimaad fiican, aysanna fiicnayn qof ahaan iyo koox ahaanba.

Neville ayaa isaguna yiri: “Toddobaad kasta waxaan daawadaa horyaalka heerka afraad (League Two). Halkaas kuma arko nidaam la’aanta aan mararka qaar ku arko Premier League. Chelsea (kulankii 4-1 ee Leeds) iyaduna sidaas oo kale ayay ahayd.”

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here