Halyeeyga kooxda Liverpool, Jamie Carragher ayaa saadaal weyn ka bixiyay kulanka Axadda dhex mari doona kooxaha Arsenal iyo Manchester City, kaasoo ka dhici doona garoonka Emirates stadium..
Kooxaha loo arko inay u tartamayaan hanashada horyaalka Premier League, Arsenal iyo Man City, ayaa Axadda galabtii isku wajihi doona garoonka Emirates… Ka hor kulankan, Arsenal iyo Man City kuma jiraan qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa, iyadoo labada kooxood ay barbaro la galeen Borussia Dortmund iyo Napoli kulamadii wareegga group-yada Champions League Ee habeenimaxii Xalay aheyd.
Si kastaba ha ahaatee, Man City ayaa wajaheysa dhibaatooyin ka waaweyn kan Gunners, waxaana si cad loogu arkaa kooxda oona loo saadaalinayaa inaysan kusoo guuleysan dooni marka ay toddobaadkan booqato Garoonka Arsenal ay ku ciyaarto Ee Emirates Stadium, kuwaasoo dhanka weerarka xooggoodu yaraaday, balse weli ku wanaagsan dhinacyada kale.
Kadib kulamadii Xalay Ee Champaha, Jamie Carragher ayaa sharaxay sababta uusan u arki karin Man City inay wax dhibco ah ka hesho kulanka toddobaadkan ay Arsenal wajahayaan.
Jamie Carragher ayaa Mar uu wareysi siinaye Tvga CBS Sports yiri:
“Waxaan qabaa in Arsenal ay guuleysan doonto. Ma arko wax ii sheegaya in City ay dhibco ka heli karto kulankaas,”
“isbuicyadii u danbeyee aad ayay u liiteen, natiijooyinkooduna taas ayay muujinayaan, dhanka difaacana gabi ahaanba ma aha kuwo xooggan. Oo Goolasha iska difaaci karin”
“Labadii kulan Ee ugu dambeysay Arsenal waxaa laga dhaliyey dhowr gool, balse waxaan qabaa inay si weyn diiradda u saari doonaan inay ogaadaan in haddii ay Manchester City garaacaan ay taasi soo afjari doonto rajada City Ee ku guuleysiga horyaalka.
Carragher ayaa intaasi ku daray:
“Waxaan qabaa inay si aad ah u weerari doonaan, cadaadis toos ah ayay saari doonaan ciyaartoyda, waxayna ku daba geli doonaan garoonka oo dhan. Anigu gabi ahaanba ma arko City oo awood u leh inay taas ka hortagto.”
Jamie Carragher oo hadal weyn ka yiri tartanka horyaalka Premier League:
Kadib 11 kulan oo la ciyaaray, Arsenal ayaa lix dhibcood ku hoggaamineysa kala sarreynta horyaalka Premier League, waxaana Carragher uu sharaxay sababta uusan u arkin koox kale oo xilli ciyaareedkan kula tartami karta hanashada horyaalka.
“Cidna,” ayuu ku jawaabay Carragher.
“Taasi macnaheedu ma aha in Arsenal ay tahay koox cajiib ah oo aan lala tartami karin. Dhageysta, waa koox heer sare ah, taas shaki kuma jiro, balse marka laga hadlayo Champions League, uma maleynayo in kooxaha Premier League ay la tartami karaan… Arsenal oo keliya ayaa runtii la jaanqaadi karta waxa aan ka aragno kooxaha ugu sarreeya tartankaas.
“Arrintaasna ma ahayn inay sidaas noqoto marka laga hadlayo Premier League. Lacagta aan heysanno iyo kooxaha aan leenahay, waxaan heysannaa afar ama shan kooxood oo waaweyn, kuwaasoo dhammaantood xilli ciyaareed kasta aaminsan inay fursad dhab ah u heystaan ku guuleysiga horyaalka. Waxay lacag badan ku bixiyaan suuqa kala iibsiga, boqolaal milyan ayay ku iibsadaan ciyaartoy shaqsi ah, kooxdayda Liverpool-na waxay ka mid tahay kooxahaas.
“Sidaas darteed, in la arko sida aan dhammaanteen uga dambeeyno Arsenal, marka laga reebo iyaga, waa arrin la yaab leh. Xilli ciyaareedkii hore waxay gaareen finalka Champions League, waxaad arkaysaa City caawa, waxaad arkaysaa Villa oo laga adkaaday, Liverpool-na dhowr toddobaad ka hor ayay guuldarro kala kulantay Fenerbahce kulan ay marti ku ahayd.
“Weli waxaan qabaa in tartanka Champions League ay ku jiraan afar ama shan kooxood oo waaweyn, Arsenal-na ay ka mid tahay.
“Premier League-ga oo aan lahayn wax ka badan hal koox oo heerkaas ah, iyadoo aan haysanno shan kooxood oo tartanka ku jira isla markaana dhammaantood ay heystaan dhaqaale badan, waa arrin xoogaa niyad-jab leh, waxayna muujineysaa sababta Arsenal loogu arko kooxda ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka Premier League.” sidaas ayuu Carragher ka yiri kooxda Arsenal iyo u cadcadnimada Ku Guuleysiga Horyaalka Premier League iyo inay ku jiraan tartamka Tartanka yurub Ee Champions League.

