Kooxda Chalsea ayaa ka fiirsaneysa suurtagalnimada ah in Xabi Alonso Ceyriso, iyadoo Cesc Fabregas uu noqday musharraxa ugu cadcad Ee beddeli kara Xabi Alonso, isagoo noqonaya tababaraha cusub ee Chelsea, inkastoo tababaraha Como uusan doonayn inuu kusoo laabto Stamford Bridge ilaa xagaaga soo socda, sida lagu sheegay warbixin.
Chelsea ayaa xagaagii go’aansatay inay kalsooni buuxda siiso Alonso, iyadoo u magacawday maamulaha cusub Ee kooxda halkii ay ka dhigi lahayd oo keliya tababare. Magacaabistiisa ayaana loo arkay guul weyn, marka la eego xaqiiqda ah in Blues ay xilli ciyaareedkii hore kaalinta 10-aad kaga dhammeysteen kala sareynta Horyaalka Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaan ilaa hadda ku jirin qaab ciyaareed la isku halleyn karo oo uu hoggaaminayo Alonso. Waxay weerarka ka muujiyeen awood halis ah markii Joao Pedro uu qaab ciyaareed fiican ku jiray, isagoo garab ciyaarayay Cole Palmer iyo Morgan Rogers, balse dhanka difaaca ayey aad ugu liiteen.
Kooxda uu Hogaamiyo Macalin Xabi Alonso ayaa heer cusub oo hooseeya gaartay Sabtidii, markii garoonkeeda Stamford Bridge ay Guuldaro 4-1 ah kala kulantay Kooxda Leeds United. Taasoo ahayd guuldarradoodii afaraad Ee soo gaarau shantii kulan Ee ugu dambeysay Ee tartamada oo dhan ciyaareen.
Dhaawacyada soo gaaray kooxda ayaa Alonso ka hor istaagay inuu xilli ciyaareedkan adeegsan karo dhowr ka mid ah ciyaartoydiisa ugu fiican, balse tababaraha 44-jirka ah iyo Chelsea labaduba weli ma gaarin heerkii laga filayay.
Wargeyska caanka ah Ee Football Insider ayaa hadda soo warinaysa in Fabregas uu si toos ah ugu jiro kaalinta ugu sarreysa liiska tababarayaasha suurtagalka ah Ee beddeli kara Alonso, haddii Chelsea ay go’aansato inay shaqada ka ceyriso mar uun inta lagu jiro hal ama labada xilli ciyaareed Ee soo socda.
Laakiin Fabregas, oo hore khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Chelsea, ayaa la tilmaamayaa inuusan doonayn inuu qabto shaqada tababaranimo Ee Chelsea bartamaha xilli ciyaareedkan.
Fabregas wuxuu aqbali lahaa oo keliya shaqadaas haddii uu kooxda ku biiri karo bilowga xagaaga, maadaama taasi ay u oggolaan lahayd inuu hirgeliyo hab-ciyaareedkiisa iyo falsafaddiisa kubadda cagta inta lagu jiro dhammaan diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.
Sidoo kale, waxay u baahan doontaa dadaal weyn oo lagu qancinayo 39-jirkan si uu uga tago Como, maadaama uu halkaas ku soo qaatay waqti aad u wanaagsan, isla markaana uu taageero buuxda ka haysto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Inkastoo cadaadiska saaran Alonso uu sii kordhayo si uu xaaladda u hagaajiyo, haddana booskiisa weli waa mid ammaan ah, maadaama madaxda BlueCo ay aaminsan yihiin inuu kooxda dib ugu soo celin karo qaab ciyaareedkeedii wanaagsanaa Ee lagu yaqaanay.
Wariyaha Weyn Ee ka faalooda wararka kubada cagta iyo wararka suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda Iyo Macalimiinta Ee Fabrizio Romano ayaa Isniintii sheegay in Chelsea ay aad u kalsooni ugu qabto Alonso, taasoo hoos u dhigtay wararka la isla dhexmarayo Ee sheegaya in isbeddel tababare uu dhowaan dhici karo.
Wuxuu yiri Fabrizio:
“Fariinta aan helayo waa mid aad u cad marka laga hadlayo Xabi Alonso — Chelsea waxay kalsooni ku qabtaa tababaraheeda.”
”Milkiilayaasha Chelsea, agaasimayaasha Chelsea iyo kooxda Chelsea guud ahaan waxay ku socdaan hal jiho, waxayna aaminsan yihiin Alonso. Way ku kalsoon yihiin Alonso. Waxay doonayaan inay waqti siiyaan Alonso.” Sidaas ayuu yiri Romano Mar uu ka Hadlaye xaalada kooxda Chalsea iyo Macalin Xabi Alonso.
Sida iska cad, xaaladda hadda jirta ma aha mid ku habboon, balse Chelsea waxay garab taagan tahay Alonso, wayna taageeraysaa. kalsooni weyn ayayna ku qabtaa Alonso inuu kooxda Maqaamka loogu talagay dib ugu soo celin doono.
Ka Maqnaanshaha koobka Yurub Ee Champions League-ga waxay ka dhigan tahay in Chelsea ay aaminsan tahay inay toddobaadka dhexdiisa heli doonto waqti ku filan oo ay ku tababarto kuna shaqeyso si adag, marka loo eego marka aad ciyaareyso tartamada Yurub oo ay tahay inaad safarto, taasoo aan kuu oggolaanayn waqti badan oo tababar iyo shaqo adag ah.
Hadda waxay heli doonaan waqti ay ku raacaan jiho cad, tababaraha la shaqeeyaan, isla markaana ay dhisaan mashruuca farsamo iyo xeeladeed Ee ay maskaxda ku hayaan, kaas oo uu Alonso hoggaaminayo.

