‎WAR CUSUB: Macalin Mauricio Pochettino oo lagu baaqay inuu Safkiisa ka saaro 5 Ciyaaryahan ka hor kulanka ay Berritoole la ciyaarayan Sporting Lisbon.

0

Khabiir ka tirsan Wargeyska Football Insider ayaa magacaabay shan ciyaaryahan oo Manchester United ah oo ay tahay in kooxda laga saaro ka hor kulanka Sporting Lisbon.

‎Sidaas waxaa qaba Bryan King oo ah indha-indheeye ciyaartoy oo Hore ula soo shaqeeye kooxaha Tottenham, Everton iyo Aston Villa, kaasoo si gaar ah ula hadlay Football Insider… Isagoo Macalin Mauricio Pochettino kula taliye inuu isbeddel weyn ku sameeyo shaxda Manchester United Ee ku soo bilaabatay guuldarradii 4-0 ahayd Ee Axaddii ay kala kulmeen Liverpool, ka hor kulanka Champions League-ka Ee Maalinamada Berritoole Ee Arbacada ah ay la ciyaari doonaan kooxda Reer Portugese Ee Sporting Lisbon.

Advertisment

Dominik Szoboszlai, Florian Wirtz, Rio Ngumoha iyo Victor Muñoz ayaa dhaliyay goolashii guusha Liverpool, iyadoo tababaraha Reer Argentina guuldarro u Horseeday kulankiisii ugu horreeyay Ee uu kooxda hoggaaminayay, kadib markii Leny Yoro daqiiqadihii ugu horreeyay Ee ciyaarta la siiyay kaarka cas, sababo la xiriira qalad uu ku galay ciyaaryahanka Reer Swedish Ee Alexander Isak meel aan ka Dheereyn diilinta ganaaxa.

‎Pochettino ayaa tababare loo magacaabay toddobaadkii hore, balse wuxuu kooxda ku soo biiray maalmo yar ka hor, isagoo shaqada kala wareegay Michael Carrick.

‎‎Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta 19-aad Ee kala sareynta Horyaalka Premier League, iyadoo hal guul oo keliya ka gaartay 11-kii kulan Ee ugu horreeyay ay ciyaareen, taasoo la micno ah bilowgii ugu xumaa Ee xilli ciyaareed soo mara taariikhda kooxda.

‎Kulanka xiga Ee Manchester United aya ciyaarayaan waa kulanka Berritoole ay Champions League-ka la ciyaari doonaan Sporting Lisbon, kahor inta uusan Pochettino isku dayin inuu guushiisii ugu horreysay Ee horyaalka gaaro kulanka Brentford Ee Sabtida.

‎Dhinaca difaaca, Manchester United waa koox dhibaato weyn ku jirto:

‎Marka la Eego fursadihii la abuuray kulankii ay Anfield kula ciyaareen kooxda Liverpool, Manchester United ugu dambeyn nasiib ayay ku lahayd inaysan mar kale la kulmin guuldarradii 7-0 ahayd ee Liverpool ku garaacday sannadkii 2023.

‎Liverpool ayaa si joogto ah weerarro ugu qaaday goolka kooxda martida ahayd, iyadoo lumisay lix fursadood oo waaweyn, halka Senne Lammens uu sameeyey toddobo badbaadin cajiib ah.

‎‎“Waxaa garoonka ku jira ciyaartoy aan mudneyn inay garoonka ku jiraan. Ma jiro hoggaamiye halkaas jooga,” ayuu King u sheegay Football Insider.

‎“Ma jiro nidaam ciyaareed. Dhinaca difaaca, waa koox dhibaato weyn ku jirto. Goolhayuhu wuxuu sameeyay laba ama saddex badbaadin oo wanaagsan, balse fiiri kubbadihii Liverpool ay goolka ka qasaariyeen, kuwaasoo ka yimid meelo adiga iyo aniguba aan dhihi lahayn waa fursado gool dhalineed.

‎‎“Haddii natiijadu ahaan lahayd 8-0, lama yaabi lahayn kadib 20-kii daqiiqo Ee ugu horreeyay, miyaanay sidaas ahayn? Waxa hadda dhici doona waa in ciyaartoy laga saaro kooxda, kuwo kalena la keeno. Waxaan u maleynayaa inay jiraan shan ciyaaryahan oo shaxda ku soo bilaabay kulankii shalay oo aan ku filneyn heerka kooxda.

‎“Adiga ayaa kala dooran kara. Magacaw ciyaaryahanka aad dooneyso. Marka aad Eegto Bruno Fernandes, KobbieMainoo iyo Youri Tielemans, aad ayey u fiicnaayeen, mana laheyn wax lagu dhaliilo”

‎“Laakiin afarta daafac marka la yimaado, Yoro, Matthijs De Ligt, Lisandro Martínez iyo Diogo Dalot. Waxaa halkaas jooga afar ciyaaryahan oo si dhab ah loo qiimeyn karo.” sidaas ayuu yuru Bryan King.

‎Mauricio Pochettino oo doonaya inuu diiradda saaro shaqadiisa Tababarnimo:

‎‎Isagoo ciyaarta kadib hadlayay, Pochettino ayaa doonayay inuu ka fogaado in xaaladda si xad dhaaf ah loo buunbuuniyo, isagoo ku adkeystay in safarka kooxda Ee horumarinta uu dheeraan doono.

‎“Waxaan u maleynayaa inaan si wanaagsan ula tacaalnay xaaladda, mana aha marmarsiiyo. Ma doonayo inaan cudurdaar sameeyo,” ayuu yiri.

‎“Waxaan u baahanahay inaan horumar sameyno. Waxaan halkan u joognaa inaan dhammaanteen si wadajir ah u horumarino kooxda, isla markaana aan guuleysanno.”

‎“Shalay qof ayaa igu yiri safarka kun mayl ah wuxuu ka bilaabmaa hal tallaabo. Tallaabadaas laga yaabee inaysan ahayn mid kor u socota, balse waxaan u maleynayaa inaan guuldarradaas kadib qiimeyn ku sameyno xaaladda. Waxaan u arkaa inay tani tahay bilow, waana inaan sii wadnaa safarka.”

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here