Tababaraha cusub ee Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa bilaabay diyaar-garowga shaqadiisa cusub, isaga oo saddex xubnood oo muhiim ah oo ka tirsan shaqaalihiisa tababarka u diray xarunta kooxda Manchester United.
Xubnahaas waxaa ka mid ah ku-xigeenkiisa Jesús Pérez, tababaraha goolhayeyaasha Toni Jiménez iyo tababaraha jirdhiska Sebastián Pochettino, kuwaas oo bilaabay diyaarinta mashruuca cusub ee kooxda.
Pochettino ayaa sheegay in u wareegista shaqada Manchester United aysan ku adkaan doonin, isla markaana uu si buuxda diiradda u saarayo kulankiisa ugu dambeeya ee uu hoggaaminayo xulka Mareykanka, kaddibna uu 100% u jeesan doono shaqadiisa cusub.
Sidoo kale, markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada inuu Manchester United keeno xiddigo ka tirsan xulka Mareykanka, tababaraha reer Argentina ayaa ka gaabsaday inuu arrintaas faahfaahiyo, balse wuxuu xusay in Manchester United ay ka mid tahay kooxaha ugu waaweyn adduunka, isla markaana ay riyo u tahay ciyaartoy badan.

