Xiddiga iyo kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa go’aansaday inuu hakiyo wada-hadalladii heshiis kordhinta ee uu kula jiray kooxdiisa, ilaa uu ka arko waxqabadka tababaraha cusub Mauricio Pochettino.
Fernandes, oo 32 jir ah, ayaa hore u diiday laba dalab oo heshiis kordhin ah, waxaana uu doonayaa inuu heshiiskiisa cusub ku gaaro ilaa June 2030, halka United aysan diyaar u ahayn muddadaas dheer sababo la xiriira da’diisa iyo hoos u dhaca qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan.
Wararka ayaa sheegaya in Bruno uu doonayo inuu arko sida Pochettino u maareeyo kooxda inta ka harsan xilli ciyaareedka, iyo in maamulka United si wanaagsan u taageero tababaraha.
Sidoo kale, waxaa jira tabashooyin ka dhex jira ciyaartoyda iyo maamulka kooxda, gaar ahaan go’aannadii suuqa kala iibsiga xagaaga.

