Michael Carrick ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqo ka cayrintiisa tababarenimada Manchester United, isaga oo farriin mahadcelin iyo qiiro leh u diray taageerayaasha kooxda.
Carrick ayaa sheegay inuu sharaf weyn u ahaa hoggaaminta koox uu aad u jecel yahay, isaga oo uga mahadceliyey taageerayaasha jacaylka iyo taageerada ay muujiyeen, inkastoo natiijooyinkii ugu dambeeyey aysan fiicnayn.
Wuxuu sidoo kale mahadcelin u jeediyey ciyaartoyda, shaqaalaha kooxda iyo tababarkiisa, isaga oo xusay in Manchester United ay weligeed qayb weyn ka ahaan doonto noloshiisa.
“Jacaylkaasi waligiis ma dhimanayo. Hadda wixii ka dambeeya waxaan idinla jiri doonaa anigoo garoonka ka daawanaya, ciyaartoydana dhiirrigelinaya.”
Dhanka kale, Manchester United ayaa xaqiijisay in Mauricio Pochettino uu beddelayo Carrick, kaddib markii maamulka kooxdu go’aansaday inuu xilka ka qaado.

