Kooxda Manchester United ayaa heshiis afka ah oo hordhac ah la gaartay tababare Mauricio Pochettino, kaas oo la doonayo inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda, haddii shaqada laga ceyriyo Michael Carrick.
Wararka laga helayo Sky Sports ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen shuruudaha shaqsiga ah, iyadoo hadda ay socdaan wada-hadallo lala leeyahay Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka (US Soccer) si loo dhammeystiro heshiiska.
Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay u baahan tahay inay bixiso lacag dhan 10 milyan oo dollar si ay Pochettino uga soo furato qandaraaska uu kula jiro xulka qaranka Mareykanka.

