Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool, Alexis Mac Allister, ayaa ka hadlay waayihiisa kooxda tan iyo markii uu ku soo biiray, isagoo sheegay in inta badan sanadihii uu Anfield joogay ay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan.
Mac Allister ayaa si gaar ah u xusay xilli ciyaareedkii ay Liverpool ku guuleysatay horyaalka Premier League, kaasoo uu ku tilmaamay sanad weyn oo xusuus gaar ah u leh.
Waxa uu sidoo kale xusay sanadkiisii ugu horreeyay ee uu la shaqeynayay tababare Jürgen Klopp, xilligaas oo uu ka ciyaarayay boos cusub oo uusan horay ula qabsan.
Mac Allister ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in marka laga reebo sanadkii hore, dhammaan sanadihii uu Liverpool joogay ay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan.

