Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa qirtay in uusan heli doonin waqtigii iyo dulqaadkii muddada dheer la siiyay halyeeygii kooxda, Sir Alex Ferguson, isagoo sheegay in kubadda cagtu maanta si weyn isu beddeshay.
Hadalkan ayaa yimid xilli la xusayo sannad-guuradii 40-aad ee markii Sir Alex Ferguson loo magacaabay tababaraha Manchester United, xilkaas oo uu hayay muddo 26 sano ah, kuna hoggaamiyay 13 horyaal oo Premier League ah iyo laba koob oo Champions League ah.
Carrick ayaa sheegay in xaaladaha kubadda cagta maanta ay ka duwan yihiin kuwii xilligii Ferguson, isla markaana tababarayaasha casriga ah aan la siin waqti badan oo ay kooxahooda dib ugu dhisaan.
“Guushu waxay qaadataa waqti, inkastoo aynaan jeclayn inaan waqti badan sugno, haddana dhismaha koox guuleysata wuxuu u baahan yahay muddo,” ayuu yiri Carrick.
Wuxuu intaas ku daray in Manchester United ay tahay inay xaaladda hadda taagan wajahdo, isla markaana ay si dhab ah u qiimeyso halka ay joogto iyo halka ay doonayso inay gaarto.
Dhanka kale, Ferguson ayaa markii hore dhibaato kala kulmay Manchester United, isagoo ku dhowaad afar sano sugay koobkiisii ugu horreeyay. Guushii FA Cup-ka ee 1990, markaas oo United 1-0 kaga adkaatay Nottingham Forest, ayaa noqotay tallaabo muhiim u ahayd sii joogistiisa kooxda.
Xilligan, Manchester United ayaa ku jirta kaalinta 17-aad ee Premier League, iyadoo sagaalkii kulan ee ay ciyaartay hal guul oo keliya gaartay.

