Cristiano Ronaldo ayaa muddo dheer ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan uguna muranka badan kubadda cagta adduunka. Hase yeeshee, marka laga soo tago guulihiisa garoonka dhexdiisa, waxaa jira dhinac kale oo noloshiisa ka mid ah oo aan si weyn loo hadal hayn: samafalka, deeqaha lacageed iyo caawinta dadka dhibaateysan.
Kadib markii uu ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha xulka qaranka Portugal isagoo 41 jir ah, warbaahinta The Sun ayaa dib u milicsatay 27 sababood oo ay dad badani u qadariyaan Ronaldo.
Hoos waxaa ku qoran qodobada ugu muhiimsan ee warbixinta:

1. Caawinta qoyska Jesus de Miguel
Kooxda UD Almeria ee dalka Spain, oo qayb ahaan uu leeyahay Cristiano Ronaldo, ayaa ku dhawaaqday inay lacagta kasoo xaroota iibka tigidhada kulankooda Tenerife ugu deeqi doonaan qoyska ciyaaryahankii geeriyooday Jesus de Miguel.
Ciyaaryahankan oo 30 jir ahaa ayaa geeriyooday kadib dhaawac culus oo kasoo gaaray kulan ka tirsanaa horyaalka heerka labaad ee Spain.
2. Safiirka hay’adaha samafalka

Ronaldo wuxuu muddo dheer safiir u ahaa hay’adaha samafalka sida UNICEF iyo World Vision.
Sanadkii 2014, khudbaddiisii abaalmarinta Ballon d’Or ayuu ku xusay carruur uu la kulmay oo la xanuunsanaa cudurka kansarka dhiigga.
Sanadkii 2016, wuxuu fariin muuqaal ah u diray carruurtii ay saameeyeen dagaallada Suuriya, isagoo ku tilmaamay geesiyaal dhab ah, wuxuuna u sheegay inuu garab taagan yahay.
Sidoo kale, wuxuu lacag ugu deeqay hay’adda Save the Children, isagoo codsaday inaan la shaacin qadarka deeqdaas.

3. Hal milyan oo Pound oo uu ugu deeqay isbitaallada Portugal
Sanadkii 2020, markii dunida uu ku faafay cudurka Coronavirus, Ronaldo iyo wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa la sheegay inay hal milyan oo Pound ugu deeqeen isbitaallada dalka Portugal.
Lacagtaas waxaa lagu caawiyay isbitaallada ku yaalla Lisbon iyo Porto, waxaana lagu iibiyay qalab caafimaad oo ay ka mid yihiin:
-
Sariiraha bukaannada.
-
Mashiinnada neefsashada iyo qalabka taageera bukaanka.
-
Qalabka lagu shubo dareerayaasha iyo daawooyinka.
-
Qalab kale oo muhiim u ahaa la tacaalidda Covid-19.

4. Kabtii dahabka ahayd ee uu iibiyay si iskuullo looga dhiso Gaza
Sanadkii 2011, Ronaldo wuxuu ku guuleystay abaalmarinta European Golden Boot kadib markii uu dhaliyay 40 gool xilli ciyaareedkii uu tababare u ahaa Jose Mourinho.
Halkii uu kabtaas dahabka ah ku keydsan lahaa, Ronaldo wuxuu u diray xaraash.
Waxaa lagu iibiyay lacag dhan 1.2 milyan oo Pound, taas oo loogu talagalay dhismaha iskuullo ku yaalla Gaza oo ay saameeyeen dagaalladu.

5. Sababta uusan jirkiisa Tattoo ugu sameysan
Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartoyda caanka ah ee aan jirkiisa ku lahayn sawirrada Tattoo-ga.
Sababta la xiriirta arrintan ayaa lagu sheegay inuu si joogto ah u bixiyo dhiig, isla markaana uu ka qayb qaato ololayaal lagu dhiirrigelinayo dadka inay dhiig bixiyaan.
Inkasta oo qof Tattoo leh uu dhiig bixin karo, haddana waxaa jiri kara muddo sugitaan ah kadib marka Tattoo cusub la sameeyo, iyadoo ku xiran xeerarka goobta dhiigga lagu bixinayo.
Ronaldo wuxuu sidoo kale bixiyay dhuuxa lafta (Bone Marrow), kadib markii saaxiibkiisii hore ee xulka Portugal Carlos Martins uu sheegay in wiilkiisu u baahan yahay dhuuxa qof kale.
Tan iyo markaas Ronaldo wuxuu qayb ka ahaa dadka dhiigga iyo dhuuxa lafta bixiya.

6. Shan milyan oo Pound oo la sheegay inuu ugu deeqay Nepal
Sanadkii 2015, dalka Nepal waxaa ku dhuftay dhulgariir aad u xooggan oo sababay dhimashada ku dhowaad 9,000 oo qof, halka in ka badan 22,000 ay ku dhaawacmeen.
Ronaldo ayaa la sheegay inuu shan milyan oo Pound ugu deeqay hay’adda Save the Children si loogu caawiyo dadka musiibadaasi saameysay.
Si kastaba ha ahaatee, lacagtaas si rasmi ah looma xaqiijin, waxaana hay’addu marar kala duwan beenisay wararka sheegaya inay deeqdaas heshay.

7. Afar bilood oo mushaharkiisa ah ayuu ka tanaasulay
Sanadkii 2020, markii Coronavirus uu saameeyay dhaqaalaha kubadda cagta, Ronaldo ayaa la sheegay inuu oggolaaday inuu ka tanaasulo mushaharkiisa afar bilood ah si kooxda Juventus ay u awooddo inay shaqaalaheeda mushaharka siiso.
Arrintaas ayaa lagu qiyaasay inay isaga shaqsi ahaan ka khasaarisay 3.8 milyan oo Pound.

8. Wuxuu ku dhiirrigeliyay ciyaartoyda Portugal inay deeq bixiyaan
Bernardo Silva ayaa shaaca ka qaaday in Ronaldo uu fikrad u soo jeediyay ciyaartoyda xulka Portugal, taas oo ahayd inay 50% ka mid ah gunnooyinkii ay ku heleen u soo bixitaanka Euro 2020 ugu deeqaan la dagaallanka Coronavirus.
Bernardo Silva wuxuu sheegay in Ronaldo uu ahaa qofkii fikraddaas keenay, ciyaartoyduna ay aqbaleen.

9. Ballon d’Or-kii 2013 ayuu xaraashay
Sanadkii 2017, Ronaldo wuxuu mar kale go’aansaday inuu iibiyo mid ka mid ah abaalmarinnadiisa waaweyn.
Wuxuu xaraashay Ballon d’Or-kii uu ku guuleystay sanadkii 2013, waxaana lagu iibiyay lacag dhan 530,000 oo Pound.
Lacagtaas waxaa lagu wareejiyay hay’adda Make-A-Wish Foundation, oo caawisa carruurta qaba cudurrada halista ah.
10. Wuxuu caawiyay xarun lagu daweeyo kansarka
Hooyada Ronaldo, Dolores Aveiro, ayaa sanadkii 2007 ka badbaaday cudurka kansarka naasaha.
Ronaldo oo xusuustay kaalintii xarun caafimaad oo ku taalla Portugal ay ka qaadatay daaweynta hooyadii, ayaa xaruntaas ugu deeqay 120,000 oo Pound.

11. Wuxuu garab istaagay wiil waalidkiis ku dhinteen qarax
Wiil lagu magacaabo Haidar oo taageere u ahaa Real Madrid ayaa waalidkiis ku waayay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan.
Markii warkan uu gaaray kooxda Real Madrid, wiilka waxaa loo sameeyay martiqaad gaar ah oo uu ku booqday kooxda.
Wuxuu fursad u helay inuu la kulmo Ronaldo, waxaana ilmada ka keentay markii uu laabta geliyay xiddiga uu aadka u jeclaa.
12. Wuxuu bixiyay kharashkii daaweynta wiil kansar qabay
Sanadkii 2009, Ronaldo wuxuu caawiyay wiil sagaal jir ah oo lagu magacaabi jiray Nuhazet Guillen, kaas oo la xanuunsanaa kansar aan dawo lahayn.
Wuxuu qoyskiisa u diray gaari si loogu geeyo hoteelka Real Madrid, halkaas oo uu kula kulmay ciyaaryahanka.
Ronaldo wuxuu wiilka u oggolaaday inuu fariisto goobtiisa gaarka ah ee garoonka Santiago Bernabeu, wuxuuna gool uu dhaliyay u hibeeyay.
Intaas kuma ekaan, balse wuxuu sidoo kale bixiyay kharashka daaweyn tijaabo ah oo wiilka loogu sameeyay dalka Mareykanka, iyo daawooyinkiisa iyo daryeelkiisa gaarka ah muddo ka badan hal sano.
Nasiib darro, wiilka ayaa geeriyooday bishii March 2013.
13. Caawinta dadkii ku waxyeelloobay fatahaadihii Spain
Kadib fatahaadihii waaweynaa ee dalka Spain ku dhuftay sanadkii 2024, Ronaldo iyo xaaskiisa Georgina Rodriguez ayaa la sheegay inay maalgelin ku sameeyeen gaadiid xamuul ah oo lagu geeyay cunto, biyo iyo agab kale oo muhiim u ah dadka ay musiibadu saameysay.
Waxay sidoo kale gacan ka geysteen in qoysaska qaar loo beddelo alaabtii guryaha uga burburtay fatahaadaha.
14. Aasaaska CR7 Foundation
Sanadkii 2024, waxaa la aasaasay CR7 Foundation, oo diiradda saarta waxbarashada iyo caafimaadka carruurta iyo dhalinyarada.
Hay’addan ayaa taageerta deeqaha waxbarasho iyo barnaamijyada ciyaaraha, iyadoo ujeeddadeedu tahay in carruurta nugul ay helaan fursado waxbarasho iyo daryeel caafimaad.

15. Caawinta dadkii ku waxyeelloobay dhulgariirkii Turkiga iyo Suuriya
Kadib dhulgariirradii waaweynaa ee ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya, Ronaldo ayaa la sheegay inuu diyaarad gaar ah ku raray agab gargaar oo qiimihiisu ku dhowaa 260,000 oo Pound.
Agabkaasi waxaa ka mid ahaa:
-
Teendhooyin.
-
Bustayaal.
-
Cunto.
-
Caanaha iyo cuntada carruurta.
-
Daawooyin iyo agab caafimaad.
Sidoo kale, wuxuu xaraashay funaanad uu saxiixay si lacag loogu ururiyo dadka musiibadu saameysay, taas oo qayb ka ahayd olole ay ka qayb qaateen Leonardo Bonucci iyo Paulo Dybala.
16. Ma uusan illoobin dumarkii yaraantiisii cuntada siin jiray

Ronaldo ayaa mar shaaca ka qaaday in markii uu yaraa, isaga oo gaajaysan uu mararka qaar tagi jiray dhabarka maqaayadaha McDonald’s, halkaas oo saddex haween ah ay siin jireen burgers bilaash ah.
Sanadkii 2019, wuxuu ugu dambeyn helay mid ka mid ah haweenkaas oo lagu magacaabo Paula Leca, wuxuuna ku casuumay casho si uu ugu mahadceliyo naxariistii ay u muujisay markii uu yaraa.
17. Wuxuu bixiyay kharashka daaweynta wiil kansar qabay
Sanadkii 2019, Ronaldo iyo Georgina ayaa la sheegay inay caawiyeen wiil yar oo reer Portugal ah oo lagu magacaabo Tomas, kaas oo qabay kansarka dhifka ah ee Neuroblastoma.
Markii cudurku dib ugu soo laabtay wiilka bishii October 2020, qoyskiisu waxay bilaabeen olole ay lacag ugu raadinayaan qalliinnada iyo daaweynta.
Sida ay sheegtay Ivana, walaasha Georgina, Ronaldo iyo xaaskiisa ayaa si qarsoodi ah u bixiyay kharashka daaweynta.
Wiilka waxaa loo qaaday isbitaalka D’Hebron ee magaalada Barcelona si baaritaanno iyo la-talin caafimaad loogu sameeyo.
18. Martiqaad uu u fidiyay Fernando Ricksen
Sanadkii 2013, halyeeygii kooxda Rangers ee Scotland, Fernando Ricksen, ayaa laga helay cudurka Motor Neurone Disease, kaas oo sababay inuu ku xirnaado kursiga curyaamiinta.
Markii Ronaldo uu ogaaday xaaladdiisa, wuxuu Ricksen iyo qoyskiisa ku martiqaaday inay yimaadaan garoonka Santiago Bernabeu si ay u daawadaan kulan Real Madrid ah.
Bishii October 2016, kadib kulan Champions League ah oo ay Real Madrid la ciyaartay Legia Warsaw, Ronaldo wuxuu siiyay funaanad uu saxiixay.
Ricksen wuxuu geeriyooday bishii September 2019.

19. Saaxiibbadiisa Real Madrid ayuu saacado qaali ah hadiyad ugu siiyay
Kadib markii Real Madrid ay ku guuleysatay Champions League-keedii tobnaad, oo loo yaqaanay La Decima, Ronaldo wuxuu saaxiibbadiisa kooxda u iibiyay saacado qaali ah oo shirkadda Bvlgari ah.
Saacad kasta ayaa lagu sheegay inay ku kacaysay ku dhowaad 5,000 oo Pound.
20. Wuxuu caawiyay walaalkiis Hugo Aveiro
Walaalka weyn ee Ronaldo, Hugo Aveiro, ayaa muddo dheer la tacaalayay dhibaato la xiriirtay balwadda khamriga iyo maandooriyaha.
Markii Ronaldo uu noqday ciyaaryahan caan ah, wuxuu dadaal badan geliyay sidii walaalkiis uga bixi lahaa dhibaatadaas.
Wuxuu xitaa ballanqaaday inuu guushii Champions League ee La Decima u hibeyn doono walaalkiis haddii uu ka adkaado balwadda.
Markii Hugo uu kasoo kabtay dhibaatada, labada walaal ayaa si qiiro leh isku duubay kadib finalkii Champions League.
Maanta Hugo wuxuu sidoo kale masuul ka yahay matxafka Ronaldo ee ku yaalla Madeira.
21. Dulqaad ayuu muujiyay markii uu makhaayad tagay
Sanadkii 2018, Ronaldo, xaaskiisa Georgina iyo wiilkiisa Cristiano Jr ayaa casho u aaday makhaayad ku taalla magaalada Turin.
Waxay yimaadeen 90 daqiiqo ka hor waqtigii ballanta, waxaana lagu qasbay inay muddo sugaan miis bannaan.
Hase yeeshee, Ronaldo ma uusan xanaaqin mana uusan murmin shaqaalaha makhaayadda.
Milkiilaha makhaayadda Davide Fiore ayaa markii dambe ku tilmaamay Ronaldo wiil wanaagsan oo dulqaad badan.
22. Shaqaalaha hoteellada ayuu lacag badan ku abaalmariyaa
Ronaldo ayaa la sheegay inuu marar kala duwan booqday goobta dalxiiska ee Costa Navarino ee dalka Giriigga.
Maamulka goobta ayaa siiyay asturnaan iyo adeeg gaar ah isaga iyo dadkii la socday.
Isagoo uga mahadcelinaya shaqaalaha, Ronaldo ayaa la sheegay inuu bixiyay lacag dheeraad ah oo dhan 20,000 oo Pound, taas oo loo qaybiyay toban shaqaale ah.
23. Wuxuu waqti la qaataa taageerayaashiisa
Ronaldo waxaa lagu yaqaannaa inuu xiriir la sameeyo taageerayaashiisa, gaar ahaan carruurta.
Marar badan ayuu iska caabiyay ilaalada garoomada marka ay taageerayaasha u diidayaan inay isaga u soo dhowaadaan.
Wuxuu taageerayaasha siiyaa funaanado, saxiixyo iyo sawirro Selfie ah, isagoo mararka qaar waqti dheeraad ah la qaata dadka u yimaada inay arkaan.
24. Wuxuu bixiyay 55,000 oo Pound oo qalliin loogu sameeyay ilmo yar
Markii uu jiray toban bilood, wiil lagu magacaabo Erik Ortiz Cruz ayaa la xanuunsanaa cudurka Cortical Dysplasia, kaas oo sababi karay ilaa 30 suuxdin maalintii.
Hooyada wiilka ayaa Ronaldo ka codsatay inuu wiilkeeda siiyo funaanad.
Laakiin markii Ronaldo uu ogaaday xaaladda caafimaad ee ilmaha, wuxuu go’aansaday inuu bixiyo 55,000 oo Pound oo loogu talagalay qalliinkiisii ugu horreeyay ee maskaxda.
Wuxuu sidoo kale ballanqaaday inuu dabooli doono kharashyada daaweynta dambe.
Intaas waxaa dheer, wuxuu xaraashay funaanad uu saxiixay si lacag dheeraad ah loogu ururiyo daaweynta wiilka.
25. Wuxuu u tacsiyeeyay wiil kubad kaga dhacday
Sanadkii 2013, markii Ronaldo uu Real Madrid u ciyaarayay, laad xor ah oo uu ku tuuray intii lagu jiray kulan ay Bournemouth la ciyaaraysay Real Madrid ayaa kubaddu ku dhacday wiil 11 jir ah oo lagu magacaabo Charlie Silverwood, taasoo ka jabtay curcurka gacanta.
Ronaldo ayaa markii dambe u diray funaanad uu saxiixay.
Dhacdo kale oo la mid ah ayaa ka dhacday kulan Champions League ah, markii kubad uu tuuray ay ku dhacday wiil yar oo aad u ooyay.
Ronaldo ayaa markaas ka booday xayndaabka garoonka, wuxuuna wiilka siiyay funaanad tababar.
26. Saaxiibkiis Jorge Mendes ayuu hadiyad qaali ah siiyay
Ronaldo iyo wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa muddo dheer lahaa xiriir saaxiibtinimo oo aad u dhow.
Sanadkii 2015, markii Mendes uu guursaday Sandra, Ronaldo oo ahaa ninkii ugu muhiimsanaa ee arooska ka qayb qaadanayay ayaa la sheegay inuu hadiyad ahaan ugu iibiyay jasiirad ku taalla dalka Giriigga, taas oo qiimaheeda lagu sheegay 40 milyan oo Pound.
27. Wuxuu maalgeliyay waxbarashada dhalinyarada
Ronaldo ayaa sidoo kale ka qayb qaatay barnaamijyo waxbarasho oo loogu talagalay dhalinyarada ciyaaraha ku wanaagsan.
Isagoo la kaashanaya Peter Lim Scholarship ee dalka Singapore, wuxuu taageeray deeqaha waxbarasho ee dhalinyarada, si ay u helaan fursado ay ku horumariyaan waxbarashadooda iyo xirfadahooda ciyaareed.
Deeqaha waaweyn ee Ronaldo lagu xusay
Warbixinta The Sun waxay soo bandhigtay deeqo lacageed oo dhowr ah oo lala xiriiriyay Ronaldo:
| Deeqda | Lacagta |
|---|---|
| Xaraashkii Golden Boot 2011 | £1.2 milyan |
| Xaraashkii Ballon d’Or 2013 | £530,000 |
| Dhulgariirkii Nepal (warbixin la sheegay) | £5 milyan |
| Gunnadii Champions League 2014 | £450,000 |
| Gunnadii UEFA Team of the Year | £100,000 |
| Xarunta kansarka Portugal | £120,000 |
| Caawinta Erik Ortiz Cruz | £55,000 |
Fiiro gaar ah: Qaar ka mid ah lacagaha iyo dhacdooyinka kor ku xusan waxaa lagu sheegay warbixino warbaahineed, mana aha dhammaantood deeqo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
Gunaanad
Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan leh guulo waaweyn oo kubadda cagta ah, balse warbixintani waxay muujinaysaa in noloshiisa aysan ku koobnayn goolasha, koobabka iyo abaalmarinnada.
Wuxuu caawiyay carruur kansar qaba, dad ay musiibooyin dabiici ah saameeyeen, isbitaallo iyo qoysas dhibaatooyin kala duwan la kulmay.
Inkasta oo mararka qaar lagu dhaliilo dhaqankiisa garoonka dhexdiisa, xanaaqiisa iyo sida uu u ilaashado sumcaddiisa, haddana waxaa jira dhinac samafal oo mudan in la xuso.

