Xiddiga Real Madrid, Vinicius Junior, ayaan maanta ka qeybgelin tababarka kooxdiisa, balse maqnaanshihiisa lama xiriiriyo dhaawac.
Sida uu warinayo wargeyska The Athletic, Vinicius ayaa ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku dhammaystirayo heshiis ganacsi oo uu kula jiro Real Madrid.
Safarkan ayaa qeyb ka ah waajibaadka ganacsi ee kooxda, waxaana la sheegay in qorshahan horay loo sii diyaariyay, isla markaana ay kooxdu oggolaatay toddobaadkan.
Real Madrid ayaa sidoo kale aaminsan in waqtigan uu ku habboon yahay safarka, maadaama Vinicius uu weli ku jiro ganaax, sidoo kalena uu Dubai uga sii dhowaan karo safarka uu ugu biirayo xulka qaranka Brazil.

