Lionel Messi ayaa wajahaya hadal-heyn baraha bulshada ah kaddib markii uusan wax fariin ah ka bixin go’aanka Cristiano Ronaldo ee ah inuu ka fariisto ciyaaraha heerka caalamiga ah.
Sida ay sheegtay shabakadda ESPN, kabtanka Argentina ee Messi ayaan ilaa hadda wax qoraal ah ama fariin sagootin ah ku baahin barahiisa bulshada oo ku saabsan go’aanka Ronaldo.
Arrintan ayaa dhalisay kala qaybsanaan taageerayaasha labada xiddig, iyadoo qaar ay filayeen in Messi uu Ronaldo u diro fariin sharaf iyo sagootin ah.
Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu horay si fagaare ah u ammaanay Messi, isaga oo dhinac dhigay tartankii muddada dheer ka dhexeeyay labada halyey.
Go’aanka Ronaldo ee ka fariisashada xulka Portugal ayaa weli hadal-heyn weyn ka dhex abuuraya dunida kubadda cagta.

