Kooxda Real Madrid ayaan weli wax war ah kasoo saarin go’aanka Cristiano Ronaldo uu kaga fariistay ciyaaraha heerka caalamiga ah, inkastoo uu muddo ka badan 20 sano u soo ciyaaray xulka Portugal.
Sida ay baahisay shabakadda Tribuna, Real Madrid ayaan wax fariin hambalyo ama sagootin ah ku baahin baraha bulshada iyo boggeeda rasmiga ah.
Dhanka kale, kooxihii hore ee Ronaldo sida Sporting Lisbon, Manchester United iyo Juventus ayaa dhammaantood soo saaray farriimo lagu maamuusayo xiddiga reer Portugal.
Cristiano Ronaldo ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Real Madrid, isagoo u dhaliyay 450 gool 438 kulan, wuxuuna kula guuleystay 15 koob oo rasmi ah, oo ay ku jiraan afar Champions League intii u dhexeysay 2009 ilaa 2018.
Aamusnaanta Real Madrid ayaa dhalisay hadal-heyn, gaar ahaan marka la eego taariikhda weyn ee Ronaldo uu ku leeyahay kooxda reer Spain.

