Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay Aston Villa, kaddib markii ay 3-0 ku garaacday kulan ka tirsanaa wareegga afraad ee Champions League xilli ciyaareedka 2026/2027.
Kulankan oo ka dhacay garoonka Camp Nou ayaa waxaa bandhig heer sare ah ku soo bandhigay xiddigaha Lamine Yamal iyo Raphinha, kuwaas oo door weyn ka qaatay guusha kooxda uu hoggaamiyo tababare Hansi Flick.
Lamine Yamal ayaa Barcelona hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 7-aad, kaddib markii uu ka faa’iideystay kubbad uu si khaldan u dhiibay mid ka mid ah ciyaartoyda Aston Villa, isagoo si xirfad leh u maamulay kubbadda ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin.
Qeybtii labaad, Barcelona ayaa sii kordhisay cadaadiska, waxaana Raphinha uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 52-aad, kaddib baas uu ka helay Fermin Lopez. Laacibka reer Brazil ayaa kubbadda la dhaafay difaaca, waxaana laadkiisa oo ku dhacay ciyaaryahan Aston Villa ah uu galay shabaqa.
Daqiiqaddii 64-aad, Raphinha ayaa mar kale shabaqa soo taabtay, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee Barcelona, kaddib baas uu ka helay Joao Cancelo.
Guushan ayaa Barcelona ka dhigtay inay gaarto 9 dhibcood, iyadoo sida warbixintu sheegtay fadhisa kaalinta labaad ee kala sarreynta Champions League, halka Aston Villa ay leedahay isla 9 dhibcood, balse ku jirto kaalinta saddexaad.

