Halyeeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa taageeray fikradda ah in Trent Alexander-Arnold dib loogu soo celiyo Anfield, xilli shaki laga muujinayo mustaqbalkiisa Real Madrid sababo la xiriira waqtiga ciyaareed ee uu helayo.
Gerrard ayaa sheegay in marka la eego tayada, kartida iyo guulihii Trent uu Liverpool la gaaray, uu si buuxda u taageerayo soo laabashadiisa.
Si kastaba, wuxuu qiray in qaabkii Trent uga tagay Liverpool uu weli dhaawac ku reebay taageerayaasha, taasina ay keeni karto muran haddii dib loo soo celiyo.
Gerrard ayaa ugu dambayn caddeeyay mowqifkiisa isagoo yiri inuu shaqsi ahaan soo dhoweyn lahaa Trent, inkastoo uu fahamsan yahay dareenka taageerayaasha qaarkood.

