Paul Merson Oo Shaaciyay Dhibaatada Weyn Ee Arsenal Ka Hor Istaagi Karta Hanashada Premier League

0

Halyeeygii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa aaminsan in kooxda Mikel Arteta ay bartamaha bisha December si weyn gacanta ugu dhigi karto tartanka Premier League, haddii ay natiijooyin wanaagsan kasoo hoyso kulamada adag ee soo socda.

Arsenal ayaa dhibcaha la siman Manchester City oo hoggaanka horyaalka haysa, kaddib guushii 2-0 ahayd ee ay ka gaartay Everton. Si kastaba, kooxda ayaa bartamihii toddobaadka Carabao Cup-ka rigoorayaal uga hartay Fleetwood Town.

Advertisment

Imtixaanka ugu weyn ayaa hadda ka bilaabanaya kulanka Axadda ee Liverpool iyo Arsenal, waxaana Gunners kaddib sugaya kulamo culus oo ay la ciyaari doonaan Newcastle, Manchester City iyo Tottenham.

Merson ayaa sheegay in kulamada ilaa 13-ka December ay si weyn u caddeyn doonaan fursadda Arsenal ee hanashada Premier League.

Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay dhaawaca Bukayo Saka, isagoo sheegay in xiddiga reer England uu yahay ciyaaryahan aad u adag in muddo dheer booskiisa la buuxiyo.

Dhanka Liverpool, Merson wuxuu sheegay in kulanka Arsenal uu yahay mid ay khasab ku tahay inay badiso si ay ugu sii jirto tartanka horyaalka. Haddii laga badiyo, Liverpool waxay ugu yaraan lix dhibcood ka dambeyn kartaa Arsenal, iyadoo weliba kulan kale oo Emirates Stadium ah uu sugayo.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here