Fermín López miyuu katagayaa Barcelona kuna biirayaa Man utd xog cusub oo laga helay ?

0

Xiddiga Barcelona Fermín López ayaa meesha ka saaray wararka la xiriirinaya inuu kooxda ka tagayo, xilli la sheegay in Manchester United ay xiiseyneyso saxiixiisa.

Wararka ayaa sheegaya in United ay wax ka weydiisay suurtagalnimada ay kula soo wareegi karto Fermín, balse Barcelona aysan dooneyn inay lumiso ciyaaryahanka.

Advertisment

Fermín ayaa caddeeyay inuusan dan ka lahayn wararka suuqa kala iibsiga, isagoo yiri: “Waxaan doonayaa inaan Barcelona sii joogo inta ugu badan ee suurtagalka ah, waxaana rajeynayaa inaan xirfadeyda halkan ku soo gabagabeeyo.”

23-jirkan ayaa hadalkiisa ku xoojiyay bandhig wanaagsan, isagoo hal gool dhaliyay, laba kalena caawiyay kulankii Barcelona 6-1 kaga adkaatay Deportivo Alavés.

Fermín oo kasoo baxay akadeemiyadda Barcelona ayaa noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxda koowaad. Horay waxaa sidoo kale loola xiriiriyay Chelsea, balse wuxuu doortay inuu sii joogo kooxda Catalonia.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here