Liverpool oo caqabad cusub kala kulmaysa saxiixa ay mudo ku raad joogtay ?

0

Liverpool ayaa caqabad cusub kala kulantay dadaalka ay ugu jirto saxiixa garabka Crystal Palace iyo xulka Senegal, Ismaïla Sarr, iyadoo Palace ay doonayso inay heshiis cusub ka saxiixato ciyaaryahanka si ay uga hortagto inuu kooxda ka tago suuqa kala iibsiga Janaayo.

Sarr oo 28 jir ah ayaa xagaagii doonayay inuu ku biiro Liverpool, balse dalab dhan 50 milyan oo gini oo ay Reds gudbisay ayaa waxaa diiday Crystal Palace. Wararka ayaa sheegaya in Liverpool ay qorsheynaysay inay bisha Janaayo dib ugu laabato wadaxaajoodka.

Advertisment

Sarr ayaa qandaraaskiisa hadda kula jira Palace ku eg yahay 2029, waxaana kooxda London ka dhisan ay wada-hadallo la furtay si ay u kordhiso mushaharkiisa iyo muddada heshiiska, iyadoo dooneysa inay sii adkaysato awooddeeda gorgortanka.

Ciyaaryahanka ayaa la sheegay inuu ka xumaaday fashilkii ku yimid heshiiskii Liverpool xagaagii, taasoo Reds siin karta rajo haddii uu weli doonayo inuu u dhaqaaqo Anfield.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa looga digay inay bixiso lacag ka badan qiimaha suuqa, maadaama Palace aysan dooneyn inay si fudud ku fasaxdo xiddigeeda. Sarr ayaa xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan u dhaliyay 21 gool, wuxuuna awood u leeyahay inuu ka ciyaaro labada garab.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here