Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in Kylian Mbappé uu sabab u noqday xiisad ka taagan Shiinaha, taas oo saameyn dhaqaale ku yeelan karta Real Madrid.
Arrintan ayaa ka dhalatay hadal uu Mbappé si jees-jees ah uga yiri hoggaamiyihii Shiinaha Mao Zedong, kaddib markii wejigiisa lagu daray sawir hoggaamiyaha. Sida wararku sheegayaan, dowladda Shiinaha ayaa joojisay baahinta ciyaaraha La Liga, gaar ahaan kuwa uu Mbappé ka qeybgalayo, iyadoo sidoo kale la sheegay in dhowr shirkadood oo Shiinaha ah ay joojinayaan heshiisyadii xayeysiiska ee ay la lahaayeen ciyaaryahanka.
Wargeyska Marca ayaa sheegay in suuqa Shiinaha uu muhiim u yahay Real Madrid, maadaama boqolkiiba 10 ilaa 15 dakhliga kooxda ee iibka badeecadaha ganacsiga uu halkaas ka yimaado, funaanadda Mbappéna ay tahay midda ugu iibka badan.
Sidoo kale, hakinta baahinta La Liga ee telefishinka dowladda Shiinaha ayaa saameyn ku yeelan karta dakhliga guud ee horyaalka iyo lacagaha loo qaybiyo kooxaha.
Mbappé ayaa heshiiskiisa Real Madrid ku leh boqolkiiba 80 dakhliga xuquuqda sawirkiisa, halka dakhligiisa sannadlaha ah lagu qiyaasay 100 milyan oo euro, oo ay ku jiraan 30 milyan oo euro oo ka yimaada heshiisyada xayeysiiska.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin baaxadda khasaaraha dhaqaale ee ay xiisaddani ku keeni karto Real Madrid.

