Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa caro ka dhex abuuray taageerayaasha Barcelona, kaddib markii uu kooxdiisa u horseeday guul 2-1 ah oo ay Axaddii kaga gaartay Barcelona kulankii El Clásico ee horyaalka La Liga.
Mbappé ayaa bandhig heer sare ah sameeyay, isaga oo dhaliyay labada gool ee Real Madrid, taas oo kooxdiisa u xaqiijisay saddexda dhibcood kulankii ka dhacay garoonka Camp Nou.
Ciyaarta kaddib, Mbappé ayaa muuqaal-wicitaan la yeeshay majaajiliistaha Faransiiska ah ee Elias Jadell. Markii laga hadlayay guushii ay ka gaareen Barcelona, xiddiga Faransiiska ayaa isagoo qoslaya yiri: “Waa arrin iska caadi ah.” Hadalkaas ayaa sii huriyay falcelinta taageerayaasha Barcelona.
Sidoo kale, Mbappé ayaa muujiyay sida uu u jecel yahay saaxiibkiisa kooxda Real Madrid, Yan Diomande, isaga oo kamaradaha laga duubay isagoo leh: “Kani waa yeygayga.”
« NORMAAAAAL ! » 😭
Kylian MBAPPÉ 🇫🇷 en FaceTime avec Ilyas Djadel, aux côtés de Noah Lunsi et Redouane Bougheraba après le Clasico. 😁
📲 unperiodistaenmad (Tik Tok) https://t.co/rbBmi25Im8
— Actu Foot (@ActuFoot_) October 26, 2026
Dhanka kale, Mbappé ayaa la filayaa inuu caawa ka qeyb galo xafladda abaalmarinta Ballon d’Or 2026, taas oo lagu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo lagu shaacin doono ciyaaryahanka ku guuleysta abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan adduunka.
🤝 | Yan Diomandé valide @Noah_Lunsi ! 🔥🇨🇮 #LALIGA https://t.co/Oh4Xh2En4k
— DAZN France (@DAZN_FR) October 26, 2026

