Isagana Liverpool ayuu wacdaro ka dhigayaa balse Kooxdiisa sidaas ayey udhibaatooneysaa

0

Daafaca Liverpool, Ronald Araújo, ayaa noqday ciyaaryahanka ugu xawaaraha badan ee Premier League xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu gaaray 36.3 kiiloomitir saacaddii.

Bandhiggiisa wanaagsan ayuu sidoo kale ku kasbaday 90% codadkii ra’yi ururinta ciyaaryahanka ugu fiicnaa kulanka ee The Sun, isaga oo si weyn uga hormaray saaxiibbadiisa kooxda.

Advertisment

Araújo ayaa haatan Liverpool ku jooga heshiis amaah ah oo uu kaga yimid Barcelona. Kooxda reer England ayaa haysata ikhtiyaar aan khasab ahayn oo ay xagaaga 2027 si joogto ah ugula wareegi karto, kaas oo ku kacaya 55 milyan oo euro.

Haddii daafaca reer Uruguay uu sii wado bandhigyada heerka sare ah, waxaa kordhi kara fursadaha uu ku sii joogi karo Anfield.

Xawaaraha iyo qaab ciyaareedkiisa ayaa ka dhigi kara ciyaaryahan muhiim u ah qorshaha Liverpool ee mustaqbalka.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here