Raphinha oo soo bandhigay laacibka ugu fiican dunida sanadkan & Wacdarada uuka dhigayo yurub

0

Kabtanka Barcelona, Raphinha, ayaa saaxiibkiisa Lamine Yamal ku tilmaamay xiddiga ugu fiican kubadda cagta adduunka waqtigan, isagoo sheegay inaysan jirin dood arrintaas ku saabsan.

Raphinha oo la hadlay CazeTV ayaa sheegay in Yamal uu si cad u muujinayo inuu yahay ciyaaryahanka ugu sarreeya adduunka, isla markaana uu farqi weyn u dhexeeyo isaga iyo xiddiga kaalinta labaad ku jira.

Advertisment

“Lamine wuxuu caddeynayaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka waqtigan, mana u maleynayo inay arrintaas dood ka taagan tahay,” ayuu yiri Raphinha.

“Aniga ahaan, isaga ayaa ugu fiican adduunka, waxaana laga yaabaa inuu farqi aad u weyn ka sarreeyo qof kasta oo kaalinta labaad ku jira,” ayuu raaciyay xiddiga reer Brazil, Yamal ayaa si weyn uga dhex muuqday kooxda koowaad ee Barcelona tan iyo markii uu sannadkii 2023 fursad ka helay tababarihii hore Xavi Hernández.

 

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here