Real Madrid oo wajahaya Leipzig, mourinho oo doonaya guushii saddexaad ee champions league

0

Kooxda Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabéu ku soo dhoweyn doonta kooxda Jarmalka ee RB Leipzig, kulan ka tirsan wareegga saddexaad ee heerka horyaalka Champions League xilli ciyaareedka 2026/27.

Real Madrid, oo uu hoggaamiyo tababare José Mourinho, ayaa kulanka soo galaysa iyadoo leh 6 dhibcood, kaddib markii ay guulo ka gaartay labadii kulan ee hore oo ay la ciyaartay Inter Milan iyo Roma. Kulankii ugu dambeeyay, Los Blancos ayaa 4-3 kaga soo adkaatay Roma, kaddib markii ay dib uga soo laabatay goolal looga hormaray.

Advertisment

Dhanka kale, RB Leipzig ayaa heysata 3 dhibcood, iyadoo guul ka gaartay PSV Eindhoven, balse guuldarro kala kulantay Como kulankeedii koowaad.

Real Madrid ayaa dooneysa inay sii wadato guulaheeda oo ay saddex dhibcood oo kale hesho, halka Leipzig ay rajeyneyso inay natiijo wanaagsan kala soo laabato garoonka Santiago Bernabéu.

Macluumaadka kulanka

  • Kulanka: Real Madrid vs RB Leipzig
  • Tartanka: Champions League 2026/27
  • Garoonka: Santiago Bernabéu, Madrid
  • Waqtiga Soomaaliya iyo Kenya: 10:00 habeenimo
  • Kanaalka: beIN Sports 3
  • Faalliyaha: Cali Saciid Al-Kacbi

Real Madrid ma xaqiijin doontaa guusheedii saddexaad oo xiriir ah, mise Leipzig ayaa caawa lama filaan ka sameyn doonta garoonka Bernabéu?

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here