Halyeeygii Liverpool, Jamie Carragher, ayaa aragtidiisa ka dhiibtay cidda hadda ah ciyaaryahanka ugu fiican kubadda cagta adduunka, isaga oo Lamine Yamal ka hormariyay Kylian Mbappé iyo Harry Kane.
Carragher ayaa hadalkan sheegay ka hor xafladda abaalmarinta Ballon d’Or, taas oo lagu qiimeynayo qaab ciyaareedka ciyaaryahanka ee xilli ciyaareedkii hore.
Wuxuu kala saaray abaalmarinta Ballon d’Or iyo qaab ciyaareedka ciyaartoyda xilligan, isaga oo sheegay in qofka ku guuleysan kara abaalmarinta aysan khasab ahayn inuu yahay kan ugu fiican waqtigan.
“Ballon d’Or waxaa la bixinayaa Isniinta, laakiin abaalmarintaasi waxay ku saleysan tahay xilli ciyaareedkii hore. Hadda, waxaan ka hadlaynaa ciyaaryahanka labaad ee ugu fiican adduunka,” ayuu yiri Carragher.
Wuxuu intaas ku daray: “Mbappé ama Kane ayaa ku guuleysan kara Ballon d’Or, laakiin waqtigan, Lamine Yamal ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.”
Xiddiga Barcelona, Yamal, ayaa si weyn uga dhex muuqday kubadda cagta Yurub, waxaana uu ka mid yahay ciyaartoyda sida weyn loogu saadaalinayo inay mustaqbalka ku guuleystaan abaalmarinta Ballon d’Or.

