Luis Enrique oo ka hadlay isbarbardhigga Lamine Yamal iyo Lionel Messi

0

Tababaraha Paris Saint-Germain, Luis Enrique, ayaa ka hadlay isbarbardhigga joogtada ah ee lagu sameeyo xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, iyo halyeeyga reer Argentina ee Lionel Messi, isaga oo sheegay in aanay habboonayn in ciyaaryahan lala barbar dhigo Messi.

Luis Enrique, oo hore tababare ugu soo noqday Barcelona, isla markaana Messi kula soo shaqeeyay kooxda reer Catalonia, ayaa ku adkaystay in Messi uu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta.

Advertisment

“Ma barbar dhigi kartid ciyaaryahan kasta Messi, waayo isaga ayaa ah kan ugu fiican abid,” ayuu yiri Luis Enrique.

Tababaraha reer Spain ayaa sidoo kale ammaanay sida Lamine Yamal uu diiradda u saarayo horumarkiisa gaarka ah, halkii uu isku dayi lahaa inuu noqdo nuqul ka mid ah Messi.

Luis Enrique ayaa sheegay in waxa ugu wanaagsan ee uu Lamine samaynayo ay tahay inuu doonayo inuu noqdo naftiisa, isla markaana uu hiigsanayo inuu gaaro heerka ugu sarreeya ee awooddiisa.

“Waxa uu Lamine si wanaagsan u samaynayo waa inuu doonayo inuu noqdo Lamine Yamal. Lamine wuxuu doonayaa inuu noqdo nooca ugu wanaagsan ee Lamine. Waa ciyaaryahan aad u caqli badan,” ayuu yiri tababaraha PSG.

Hadalkan ayaa muujinaya in Luis Enrique uu qiimeynayo habka uu Yamal u wajahayo xirfaddiisa, isaga oo aaminsan in da’yarku uu horumar samayn karo isaga oo dhisanaya shakhsiyaddiisa iyo qaab ciyaareedkiisa gaarka ah.

 

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here