Daafaca reer Uruguay ee Ronald Araújo ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa, kaddib markii la hadal hayo qodob u oggolaanaya Liverpool inay si rasmi ah ula wareegto marka uu dhammaado heshiiskiisa amaahda ee Barcelona, sannadka 2027.
Araújo ayaa muujiyay inuusan doonayn inuu hadda ka hor hadlo go’aanka mustaqbalka, isaga oo sheegay in waqtigu weli horeeyo, isla markaana uu diiradda saarayo horumarkiisa iyo sidii uu kalsooni dheeraad ah u heli lahaa.
“Waa arrin weli aad u horreysa,” ayuu yiri Araújo, isaga oo ka hadlayay qodobka Liverpool u oggolaan kara inay mustaqbalka si rasmi ah ula wareegto.
Waxa uu intaas ku daray inuu doonayo inuu maalin kasta ku raaxaysto kubadda cagta, sii wado horumarkiisa, isla markaana kobciyo awooddiisa si uu u helo kalsooni dheeraad ah:- “Waxaan isku dayayaa inaan maalin kasta ku raaxaysto, sii wado koritaankayga iyo horumarkayga, si aan u helo kalsoonidaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Daafacan ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay halka uu hadda joogo, isaga oo xusay in qoyskiisuba ay ku qanacsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin:- “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, aniga iyo qoyskayguba,” ayuu yiri xiddiga reer Uruguay.
Hadalka Araújo ayaa muujinaya inuusan weli go’aan kama dambays ah ka gaarin mustaqbalkiisa, isla markaana uu doonayo inuu diiradda saaro waqtiga xaadirka ah ka hor inta uusan go’aan ka gaarin tallaabada xigta ee xirfaddiisa.

