DEG DEG Mancheste United oo shaqada ka Ceyrineysa Carrick & badalkiisa & Xog ku saabsan ?

0

Maamulka Manchester United ee INEOS ayaa haatan taageeraya tababare Michael Carrick, mana qorsheynayaan inay shaqada ka ceyriyaan, inkastoo kooxda ay ku bilaabatay xilli ciyaareed adag.

United ayaa Axaddii barbaro 1-1 ah la gashay Leeds United garoonka Elland Road, taasoo sii kordhisay cadaadiska saaran kooxda, oo toddobadii kulan ee horyaalka ka heshay toddobo dhibcood.

Advertisment

Wariyaha Tyrone Marshall, oo si dhow ula socda Manchester United, ayaa sheegay inaysan jirin fursad Carrick lagu ceyrinayo sida ku dhacday Ruben Amorim, kaasoo shaqada laga eryay Janaayo 2026 kaddib barbaro 1-1 ah oo uu la galay Leeds.

Marshall ayaa rumeysan in ciyaartoyda United ay weli taageersan yihiin Carrick, isla markaana qaab ciyaareedkii ay muujiyeen kulankii Leeds uu ahaa mid ka wanaagsan bandhigyadii dhowaa.

Dhanka kale, warbixinta TEAMtalk ayaa sheegtay in Antonio Conte uu diyaar u yahay inuu qabto shaqada tababarenimo ee United, halka agaasimaha kubadda cagta Jason Wilcox uu xiiseynayo tababaraha Brighton, Fabian Hürzeler.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaamaysaa in maamulka United uu weli ku kalsoon yahay Carrick, inkastoo natiijooyinka liita ay walaac ku abuureen taageerayaasha kooxda.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here