Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa si weyn uga yaabiyay taageerayaasha Barcelona, kaddib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay, isagoo ka jawaabay shakigii laga qabay markii uu Arsenal kaga soo biiray kooxda reer Catalonia.
Barcelona ayaa Jesus la soo saxiixatay 1-dii Sebtembar 2026, iyadoo lagu soo warramay in heshiiskiisu ku kacay ku dhowaad 10 milyan oo euro. Saxiixiisa ayaa markii hore loo arkayay xal degdeg ah, maadaama uu hore ula dhibtooday dhaawacyo intii uu joogay Arsenal.
Si kastaba ha ahaatee, Jesus ayaa toddobadii kulan ee ugu horreeyay Barcelona u dhaliyay 4 gool, wuxuuna sameeyay hal caawin, isagoo wax ku biirintaas ku sameeyay 234 daqiiqo oo keliya.
Waxa uu sidoo kale muujiyay inuu ku habboon yahay nidaamka tababare Hansi Flick, gaar ahaan cadaadiska uu saaro daafacyada kooxda ka soo horjeeda iyo kaalinta uu ka qaato difaaca marka kubaddu lunto.
Warbaahinta Isbaanishka ee Sport ayaa tilmaantay in Jesus uu LaLiga ka dhaliyay afar gool, taasoo ka badan inta ay dhaliyeen inta badan ciyaartoyda Real Madrid, marka laga reebo Kylian Mbappé oo leh toddoba gool.
Tababare Flick ayaa ku ammaanay waxqabadka weeraryahanka, balse wuxuu rumeysan yahay inuu weli awood u leeyahay inuu wax badan ku soo kordhiyo Barcelona.

