FADEEXAD CULUS:- “Daafaca Manchester United xitaa ma gaarsiisna heerka kooxaha bartamaha Premier League”

0

Wargeyska Daily Mail ayaa dhaliil xooggan u jeediyay daafaca Manchester United, isagoo sheegay in kooxda aysan xitaa hadda gaarsiisnayn heerka kooxaha ku jira bartamaha kala sarreynta Premier League.

Wariye Nathan Salt ayaa qoray in maamulka kooxda, gaar ahaan agaasimaha kubadda cagta Jason Wilcox, ay dib u dhigeen xoojinta daafaca suuqii xagaaga, taasina ay hadda kooxdu la dhibtoonayso.

Advertisment

United ayaa toddobadii kulan ee ugu horreeyay horyaalka badisay hal kulan oo keliya, iyadoo afar barbaro gashay, labo kalena laga badiyay. Waxa kale oo ay ka mid tahay labada kooxood ee Premier League ee aan weli hal kulan shabaqooda gool la’aan ku dhamaysan.

Harry Maguire ayaa qirtay in daafaca kooxdu uusan lahayn geesinimadii iyo deganaanshihii looga baahnaa, isagoo xusay in kooxda looga baahan yahay inay adkaysi muujiso, gaar ahaan marka ay difaacayso kubbadaha taagan.

Dhanka kale, dhaawacyada iyo boosaska aan caadiga ahayn ee ciyaartoyda lagu ciyaarsiiyo ayaa sii adkeeyay xaaladda. Lisandro Martínez ayaa sidoo kale lagu qasbay inuu ka baxo kulankii Leeds United qaybtii nasashada, kaddib markii uu dhaawac dareemay.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in xagaaga soo socda la filayo in dib-u-dhis lagu sameeyo daafaca, iyadoo mustaqbalka ciyaartoy ay ka mid yihiin Maguire, Martínez, Diogo Dalot iyo Luke Shaw uu weli su’aalo ka taagan yahay.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here