Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand oo si adag ula hadlay Carrick kana dalbaday inuu fursad siiyo xidiga

0

Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa ku boorriyay tababare Michael Carrick inuu Leny Yoro kulan kasta ku soo bilaabo, isagoo ku tilmaamay daafac heer sare ah oo kalsoonidiisu sii kordhayso.

Ferdinand ayaa ammaanay bandhigga Yoro ee kulankii ay United 1-1 la gashay Leeds United Axaddii, gaar ahaan qaabkii uu uga hortagay weerarrada kooxda martida loo ahaa qeybtii hore.

Advertisment

“Waxaan u arkaayay qeybtii hore mid aad u wanaagsan oo difaac ahaan adag. Waxaan u maleynayaa in Leny Yoro uu si heer sare ah u ciyaaray, gaar ahaan difaacashada kubbadaha laga soo karooso birta dambe. Kalsoonidiisu way sii kordhaysaa, waxaana muuqata inuu u baahan yahay inuu si joogto ah kooxda ugu ciyaaro,” ayuu Ferdinand ku yiri barnaamijkiisa Rio Presents.

Wuxuu intaas ku daray in Yoro uu toddobaad kasta sii xoogeysanayo, isla markaana uu si wanaagsan u ciyaaray kulankii Atletico Madrid iyo ciyaartii uu xulka France u saftay.

“Waxba igama gelin ciyaartoyda dhaawaca ka soo laabanaysa. Waxaan aaminsanahay inuu Yoro kooxda sii joogi doono oo uu caddeeyn doono qiimihiisa,” ayuu yiri Ferdinand.

Dhanka kale, Carrick ayaa barbarrihii Leeds ku tilmaamay billow cusub, balse wuxuu sheegay in kooxda aysan ku qanacsanayn natiijooyinka hadda jira.

“Ma aanan guuleysan, sidaas darteed ma jirto sabab aan ugu dabaaldegno wixii aan soo bandhignay. Waa inaan xasillooni yeelannaa oo aan sii wadnaa waxyaabaha saxda ah,” ayuu yiri Carrick.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here