Halyeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa ka digay in Michael Carrick uu cadaadis weyn wajihi doono haddii uuusan wax ka beddelin natiijooyinka kooxda toddobaadyada soo socda.
United ayaa Axaddii 1-1 la gashay Leeds United, iyadoo Bryan Mbeumo uu daqiiqaddii 35-aad hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, kaddib karoos qurux badan oo uu soo qaaday Youri Tielemans. Hase yeeshee, Dominic Calvert-Lewin ayaa lix daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad barbareeyay United.
Inkasta oo Neville uu sheegay in natiijadu ay dhiirrigelin siin karto Carrick, haddana wuxuu xusay in United ay lix dhibcood oo keliya ka heshay lixdii kulan ee ugu dambeeyay, isla markaana ay kaalinta 13-aad kaga jirto Premier League.
Neville ayaa aaminsan in kulanka Leeds uu kooxda siin karo qorshe ay ku dhisto ciyaaraheeda, gaar ahaan inay noqoto koox difaac ahaan adag, isla markaana ay weerar ahaan u muujiso isku dheelitirnaan.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Manchester United ay khasab ku tahay inay ku dhamaysato shanta kooxood ee ugu sarreeya si ay ugu soo baxdo Champions League.
“Waa inay isbeddel sameeyaan toddobaadyada soo socda. Kulanka Bournemouth aad ayuu muhiim u yahay, sidoo kale ciyaarta ay Chelsea marti u noqonayaan,” ayuu yiri Neville.
Wuxuu intaas ku daray in haddii United ay bisha Janaayo weli ku jirto kaalinta 13-aad, mustaqbalka Carrick uu su’aal weyn geli doono, Neville ayaa ku adkeystay in wax kasta oo ka hooseeya kaalinta shanaad ay niyad-jab weyn u noqon doonaan kooxda.

