5 Xul Oo Ka Hadhay Tartanka Koobka Africa

Ugu yaraan shan dal ayaa laga reebay tartanka socda ee Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON) ee ka socda Morocco.

Angola iyo Zimbabwe ayaa noqday xulalkii ugu dambeeyay ee ka haray tartanka, kaddib markii la soo gabagabeeyay kulamadii ugu dambeeyay ee Group B oo la ciyaaray Isniintii.

Angola waxay barbaro la gashay Masar, waxayna ku dhammaatay iyadoo haysata kaliya laba dhibcood, kana dambeysay Masar iyo Koonfur Afrika oo galay kaalinta labaad.

Zimbabwe, dhankeeda, waxaa 3–2 ku garaacday Koonfur Afrika, waxayna ku dhammaatay gunta hoose ee group-ka iyadoo haysata hal dhibic oo keliya.

Sidaas darteed, Angola iyo Zimbabwe labaduba waxay ku biireen Botswana, Gabon iyo Equatorial Guinea oo horey uga haray tartanka ka socda Morocco.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga