5-ta Xiddig Ee Ugu Safashada Badan Kulamada Caalamiga Ah Oo La Soo Saaray.

Xiddiga Xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sii wada u ciyaarista xulka qarankiisa.

Ronaldo ayaa hogaaminayay weerarka Portugal kulankii ay ka badiyeen xulka Poland kulan ka tirsanaa tartanka Nations League.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga ugu safashada badan kulamada caalamiga ah taariikhda kubada cagta.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ciyaaray kulankiisii 215 kulankii uu xulkiisu ka badiyay xulka Poland tartanka Nations League.

Waxa ku xiga xiddiga xulka Croatia ee Luka Modric kaas oo ciyaaray 181 kulan oo xulka qarankiisa ah.

Waxa ku xiga xiddiga Sergio Ramos kaas oo ciyaaray 180 kulan oo uu u ciyaaray xulka Spain.

Waxa ku xiga Goolhayihii hore ee xulka Italy ee Gianluigi Buffon kaas oo ciyaaray 176 kulan halka uu Iker Casillas ciyaaray 167 kulan.

  1. Cristiano Ronaldo – 215 Kulan
  2. Luka Modric – 181 Kulan
  3. Sergio Ramos – 180 Kulan
  4. Gianluigi Buffon – 176 Kulan
  5. Iker Casillas – 167 Kulan

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga