10-ka Xiddig Ee Ugu Goolasha Badan Taariikhda Champions League, Halkee Ayuu Lewandowski Kaga Jiraa.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa sii wada jabinta rikoodhada kulamada champions League kadib goolkii Napoli.

Xiddiga reer Poland ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolka furitaanka isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Goolka uu Robert Lewandowski ayaa ka caawiyay in uu isku qoro taariikhda tartanka champions League.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa dhaliyay goolkiisii 93-aad ee taariikhda tartanka champions league.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa kaliya ka dambeeya labada xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ah xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda champions League.

Ronaldo ayaa dhaliyay 140 gool halka uu Lionel Messi dhaliyay 129 gool iyada oo Robert Lewandowski ku jiro kaalinta 3-aad isaga oo dhaliyay 93 gool.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga