Zola & Ian Wright Oo Magacaabay Xiddiga Chelsea Ee Sababta U Ah Goolkii Arsenal.

Halyeeyada Premier League-ga Gianfranco Zola iyo Ian Wright ayaa isku raacay in Wesley Fofana mas’uul ka yahay goolka barbardhaca ee Arsenal ka dhalisay Chelsea Axadii, ciyaartii ka dhacday Stamford Bridge.

Chelsea iyo Arsenal ayaa ku kala baxay 1-1 garoonka Stamford Bridge kadib ciyaar kulul oo dhacday fiidnimadii Axaddii.

Chelsea waxay ku ciyaartay toban ciyaaryahan inta badan kulanka kadib markii Moises Caicedo loo taagay kaadh cas oo toos ah kaddib markii uu khalad ku galay Mikel Merino.

Inkasta oo ay hal ciyaaryahan ka yaraayeen, haddana Blues-ka ayaa hoggaanka qaaday daqiiqaddii 48aad, waxaana u dhaliyay Trevoh Chalobah.

Merino ayaa u barbareeyay Arsenal 11 daqiiqo kadib, isagoo madax ku dhammaystiray karoos uu ka helay Bukayo Saka.

Merino lama ilaalin, iyadoo Fofana uusan raacin orodkiisa gudaha aagga dilinta ganaaxa

Isagoo ka hadlayay Premier League Productions, Ian Wright wuxuu tilmaamay in Fofana uu mas’uul ka ahaa goolka.

“Fofana oo ah daafaca dhexe, wuu ka tagay,” ayuu yiri Wright.

“Wuxuu hadda eegayaa kubadda oo kaliya, wuxuuna rajeynayaa in kubaddu aan loo dhigin meel fiican halkii uu ka hubin lahaa inuu  dib ugu noqdo. Waayo haddii uu wax Yar  dib u noqonahaa, Fofana waxaa laga yaabaa inuu kubadda ka leexiyo.”

Halyeeyga Chelsea Zola ayaa sheegay inaysan la aqbali karin in daafaca Faransiisku uu ninkiisa dayaco.

“Waan ogolahay, waa qaladka ay daafacyo badan sameeyaan, waxay ku mashquulaan kubadda, way bilaabaan inay kubadda u jeestaan, markaasna waxay luminayaan ciyaaryahanka kasoo galaya gadaashooda,” ayuu yiri Zola.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga