
Weeraryahankii hore ee Manchester United, Zlatan Ibrahimovic, ayaa ku adkeystay in garabka Barcelona, Lamine Yamal, uu u qalmo Ballon d’Or 2025 in ka badan Ousmane Dembele oo ka tirsan Paris Saint-Germain.
Sida uu Ibrahimovic sheegay, Yamal ayaa garoonka ku sameynayay farqi ka badan Dembele.
Bishii la soo dhaafay, Dembele ayaa ku guuleystay Ballon d’Or sanadkan isaga oo ka horeeyay Yamal oo kaalinta labaad galay, kaasoo sidoo kale ku guuleystay Kopa Trophy.
Ibrahimovic oo la hadlay Gazzetta dello Sport, ayaa soo jeediyay in wariyeyaasha codeynaya Ballon d’Or ay ciyaartoyda ku qiimeeyaan awooddooda ay kaligood u beddeli karaan ciyaaraha.
“Waa inaad ciyaartoyga ku qiimeysaa awooddiisa uu farqi kaga samayn karo si shakhsi ah,” ayuu Ibraahimovic yidhi.
“Aniga ahaan, Yamal ayaa u qalmay. Waxaan siin lahaa Yamal,” ayuu intaas ku daray.
Be the first to comment