Zirkzee, Olmo, Saliba, Calafiori, Osimhen, Fernandes, Haaland, Sancho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Manchester United ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay Joshua Zirkzee si ay ula soo wareegto iddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan iyada oo kooxdu isku diyaarinayso in ay bixiso lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa (Caughtoffside).

Liverpool ayaa war fiican ka heshay baacsiga ay ugu jirto xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Atalanta Teun Koopmeiners iyada oo kooxda Atalanta doonayso in ay ka iibiso kooxo ka basan Italy halkii ay ka iibin lahayd Juventus oo doonaysa xiddiga (Gazzetta dello Sport).

Barcelona ayaa go’aansatay inay iska diido saxiixa xiddiga ay Chelsea ku dhawdahay haatan ee Estevao Willian, maadaama la awood ahayn dhinaca dhaqaalaha kooxda Chelsea (Mundo Deportivo).

Manchester City ayaa riixaysa saxiixa xiddiga kooxda RB Leipzig ee Dani Olmo sababtoo ah Pep Guardiola ayaa jecel ciyaaryahanka khadka dhexe (BILD).

Real Madrid ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato William Saliba si ay uga garab ciyaarsiiso daafaca dhexe ee Eder Militao (Fichajes).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay todobaadka dambe dhamaystirto saxiixa xiddiga Riccardo Calafiori (GMS).

Kooxda Chelsea ayaa haatan baacsanaysa xiddiga kooxda Napoli ee Victor Osimhen (TEAMtalk).

Manchester United ayaa u ogolaatay Bruno Fernandes inuu dhagaysto dalabyada uga imanaya horyaalka sucuudiga iyada oo kooxaha Al Nassr iyo Al Ittihad ay doonayaan xiddiga (TEAMtalk).

Juventus ayaa sidoo kale dalab furitaan ah u dirtay Man Utd si ay u hesho Jadon Sancho si ay ugu xoojiyaan kooxda (Tuttosport).

Kooxda Juventus ayaa xiddiga Chiesa u ogolaatay in uu isaga tago kooxda iyada oo kooxdu ku qiimaysa xiddiga lacag dhan 20 milyan oo euro (Fabrizio Romano).

Barcelona waxa ay rajaynaysaa in ay samayso laba saxiix oo waaweyn labada suuq ee soo socda, xagaagan waxa ay doonaysaa Nico Williams halka ay sanadka dambe doonayso Erling Haaland 2025 (HITC).

Chelsea ayaa dalabkii labaad ee Samuel Omorodion laga soo diiday Iyada oo Atletico Madrid doonayso wax ka badan 42 milyan oo euro (Sun).

Liverpool ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilada garabka Leeds United Crysencio Summerville iyo daafaca Feyenoord Lutsharel Geertruida iyagoo bilaabaya nolosha tababaraha cusub ee Arne Slot (HITC).

Dhanka kale, Liverpool ayaan qorsheyneynin inay iibiso Mohamed Salah xagaagan xitaa haddii uusan heshiis cusub u saxiixin kooxda (Mirror).

Manchester City ayaa xiiseyneysa inay Andriy Lunin kala soo wareegto Madrid haddii ay go’aansato inay iska iibiso Ederson, kaasoo xiiso ka helaya kooxaha sucuudiga (Bernabeu Digital).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga