Yoro, Diaz, Osimhen, Branthwaite, Mudryk & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Chelsea ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara RB Leipzig ee Lois Openda (Teamtalk)

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Mykhailo Mudryk ayaa isaga tagi doona kooxda hadii ay Chelsea la soo saxiixato xiddiga Michael Olise (Foobtball Insider).

Man United ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha Kooxda Geona ee Josep Martinez (Rudy Galetti).

Kooxda Arsenal ayaa muhiimada siinaysa xoojinta Khadka dhexe kadib markii ay wayday weeraryahanka RB Leipzig ee Benjamin Sesko (Athletic).

Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Bologna ee Joshua Zirkzee (Sky Germany).

Kooxda Chelsea ayaa diiday dalab ay Atletico Madrid ka gudbisay saxiixa xiddiga Conor Gallagher (Sun).

Man United ayaa diyaar u ah in ay isaga hadho baacsiga xiddiga Everton ee Jarrad Branthwaite isla markaas dareenkooda u jeediso xiddiga Crystal Palace ee Marc Guehi (Tamtalk).

Man United ayaa diyaar u ah in ay xiddiga Aaron Wan-Bissaka ku darto heshiiska ay ku doonayso Marc Guehi (TEAMtalk).

Liverpool ayaa dar-dar galinaysa baacsiga ay ugu jirto saxiixa daafaca Lille ee Leny Yoro kaas oo sidoo kale xiis ka helaya Man United Iyo Real Madrid (Marca).

Arsenal ayaan diyaar u ahayn in ay Victor Osimhen ka bixiso wax ka badan 63 milyan oo euro xilli ay Napoli ku qiimayso xiddiga 100 milyan oo euro (Calcio Napoli24).

Barcelona ayaa la kulmi doonta wakiilka Luis Diaz todobaadka dambe si ay ugala hadasho ku biirista kooxda (Breinner Arteta).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga