Yamal Oo Magacaabay Labo ciyaaryahan Oo Uu Siin Lahaa Ballon d’Or Haddii Uusan Isagu Ku Guuleysan

Xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, ayaa magacaabay Lionel Messi iyo Neymar ciyaartoyda uu jeclaan lahaa inuu siin lahaa Ballon d’Or haddii uusan isagu ku guuleysan.

18-jirka ayaa sidoo kale Messi ku tilmaamay ciyaaryahankii ugu weynaa ee taariikhda.

Xiddiga reer Spain ayaa intaas ku daray in Neymar uu xaq u leeyahay inuu ugu yaraan hal mar ku guuleysto Ballon d’Or.

Lamine Yamal ayaa sheegay:

“Neymar iyo Messi. Waxaan siin lahaa hal Ballon d’Or ‘Ney’-ga, waxaan u maleynayaa inuu xaq u leeyahay,” ayuu Yamal u sheegay RTVE (sida uu weriyey Barca Universal).

“‘Ney’-ga waqtigii Barcelona ama Paris ciyaarayaa wuxuu hubaal ahaan haatan ku guuleysan lahaa Ballon d’Or.”

“Waxaan jeclaan lahaa inuu Neymar ku guuleysto hal mar. Dabcan, Messi sidoo kale sababtoo ah waa kan ugu fiican abid.”

Yamal ayaa ka mid ah musharixiinta ugu sareysa ee ku tartami kara Ballon d’Or-ka 2025.

Wuxuu la tartami doonaa ciyaartoyda sida Ousmane Dembélé, Raphinha, Kylian Mbappé, iyo Mohamed Salah tartanka Ballon d’Or ee 2025.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga