YAAB: Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ee Sheegta Inuu Xanuunsanayo Isaga Oo Caafimaad-qaba

Barcelona ayaa ku jirta xaalad qalalaase ah oo ay gashay markii ay guul-darro xanuun badan kala soo kulmeen Royal Antwerp habeenkii xalay, taas oo ay uga horreysay Girona oo iyadoo Barcelona marti u ah lasoo laabatay guul 4-2 ah.

Sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada ayaa Barcelona laga badiyey afar ka mid ah, waxaanay taasi keentay in uu hoos u dhaco xidhiidhka u dhexeeya Xavi iyo Deco oo hadda la sheegayo in kooxdu ay shaqada ka caydhinayso tababare Xavi.

Deco oo ah agaasimaha Barcelona, ayaa waxa la sheegay in uu toddobaadkan canaantay xiddig muhiim u ah kooxdiisa oo uu ku eedeeyey inuu marmarsiiyo ka dhigto xanuun been-abuur ah oo aan jirin, si uu uga maqnaado kulamada, gaar ahaan ciyaartii Royal Antwerp ee xalay.

Ciyaartoygan uu Deco eedaha culus u jeedinayo ayaa ah khadka dhexe ee reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo sheegay inuu dareemayo qandho ama xummad oo aanu qayb ka noqon karayn safarkii ay kooxdiisu ku tagtay Belgium.

Markii ay ciyaartoydu u duulayeen Belgium si ay ula soo ciyaaraan Antwerp ayaa uu Frenkie de Jong ka baaqday garoonka diyaarahada,a waxaana telefoonka ka wacay Deco oo weydiiyey sababta, balse De Jong ayaa ugu jawaabay inuu xanuunsanayo.

Warka ayaa intaa ku daray, in Deco oo cadhaysan uu ku yidhi De Jong: “Maxaad u jeeddaa? Muxuu yahay xanuunkaagu? Waa inaad ii keento caddayn dhakhtar.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga