Yaab: Mohamed Salah Oo Ka Maqnaan Doona Liverpool Wakhti Ka Badan Wakhtigii La Filayay, Sabab.

Liverpool ayaa waayi doonta Mohamed Salah wakhti ka badan wakhtigii la filayay ka hor koobka Qaarada Africa iyada oo xulka Masar ciyaari doono kulamo saaxiibtinimo ka hor bilaabashada tartanka.

Salah ayaa hogaamin doona xulkiisa tartanka koobka Africa ee lagu qaban doono dalka Morocco iyada oo tartanku bilaaban ono 21 Bisha December.

Laakiin Xulka Masar ayaa doonaya in uu Salah diyaar u noqdo kulanka saaxiibtinimo ee ay la ciyaari doonaan Nigeria todobaad ka hor bilaabashada tartanka.

Sidaas darted xiddiga Liverpool ayaa seegi doona kulanka ay Liverpool la ciyaarayso Brighton 12 Bisha December.

Sabab la xidhiidha in uu tartanku socon doono ilaa 18 January Salah ayaa seegi kara ku dhawaan 7 kulan oo Liverpool ah iyada oo ku xidhnaan doonta sida uu xulku uga gudbaan wareegyada tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga