Yaab: Koobka Africa Oo Man United Ka Hor Istaagay Saxiixa Victor Osimhen, Sabab.

Manchester United ayaa go’aansatay inaysan la soo wareegin Victor Osimhen sababo la xiriira jadwalka Koobka Qaramada Afrika (AFCON), sida uu sheegay tababarihii hore ee kooxda koowaad Benni McCarthy.

Osimhen ayaa si weyn u soo jiitay indhaha waaxda soo iibsiga ciyaartoyda ee United kaddib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay Napoli, halkaas oo uu kooxda Talyaaniga u horseeday hanashada horyaal taariikhi ah.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa ka caga jiiday inay ku bixiso qiyaastii £100 milyan weeraryahan maqnaan doona bartamaha xilli ciyaareedka sababo la xiriira ka qeybgalka AFCON.

Ugu dambeyn, kooxda ayaa dooratay inay la soo saxiixato Rasmus Hojlund oo ka yimid Atalanta, halka Osimhen uu mustaqbalkiisa ciyaareed ka sii watay Galatasaray.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga